War Deg Deg ah: Golaha Fulinta ee Xisbiga Udub oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Musharaxa Madaxwayne nimo ee Xisbiga UDUB oo Noqday Jamaal Cali Xuseen.
Kal fadhigaasi oo ay ka soo Xaadireen 23 xubnood ka mid ah 43 xubnood ee uu ka koobanyahay Golaha dhexe ee Xisbiga udub
Shirkii golaha Fulinta ee Xisbiga udub oo maanta ka Furmay Hotel Crown ee Magaalada Hargeisa ayaa Goor dhawayd lagu Ansixiyay inuu Musharaxa Jamaal Cali Xuseen utaaganyahay Musharaxnimada Jagada Madaxtinimo ee Xisbiga Udub,.
Kal fadhigaasi oo ay ka soo Xaadireen 23 xubnood ka mid ah 43 xubnood ee uu ka koobanyahay Golaha dhexe ee Xisbiga udub ayaa waxay Cod Gacan taag ah ku Ansixiyeen Musharaxa jagadaasi
Warkaasi oo faahfaahsan iyo Khudbadii Jamaal Cali Xuseen Goor dhaw kala soco gabiley news oo heegan u ha inay kaa haqab tirto dhacdooyinka Dalka iyo dibadiisa oo degdeg ah.
Cali Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeisa somaliland
No comments:
Post a Comment