28 January, 2012

Shuuriye Biixi Cabdi Halgamaa Waynaa Ee Reer Somaliland

Shuuriye Biixi Cabdi Halgamaa Waynaa Ee Reer Somaliland


Scwr wbr, inkasta oo aan qoraal kaliya lagu soo koobi karayn taariikh nololeedkii ale ha u nax ariisstee halgamaagii waynaa ee reer Soomaliland Maxamed Biixi Cabdilaahi balse waxaan isku dayi doonaa inaan wax ka sheego taariikhdiisa. SHURIYE 1925, alaha unaxariistee waxa uu ku dhashay xaafadaJameecada ee magaalada Har gaysa caasimada jamhuuriyada somaliland, waxa uu ahaa halgamaa door wayn ka ciyaaray madaxbanaanida iyo qaranimada somaliland.

Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay magaalada HARGAYSA,alaha u na xariistee, Shuuriye waxa uu ka qalinjabiyay dugsigii sare ee Sheekh waxaanu madax ka noqday wasaaradii hawlaha guud ee ay boqortooyadii ingiriisku kulahayd somaliland PWD ,isagoo markii dambana kanoqday madixii ugu sareeyay, 1948 waxa uu alaha u naxariistee Shuuriye Biixi Cab dilahi kooras utagay dalka ingiriiska.

Shuuriye alaha unaxariistee waxa uu furay caymiskii ugu horeeyay ee laga furo somaliland isagoo Hargaysa uga wakiil ahaa xafiiskii shirkadii caymiska ee kutaalay magaalada cadan.

Alaha u naxariistee marxuumku 40dii, waxa uu kujiray dhaqdhaqaaqyadii gobonimo doonka ee lagaga soo horjeeday maxmiyadii ingiriiska isagoo ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee hogaaminayay dhaqdhaqaayadaasi gobonimo doonka ah sida uu ku xusay alaha u naxariistee Maxamed X. Iibraahim Cigaal , 1993 qudbad uu ka jeedinayay khayriyada magaaladaHargaysa , ayaa Cigaal uu ku sheegay qudbadiisa in isagoo jooga Laascaanood uu badhisaabkii ingiriiska u fadhiyay Ha rgaysa fariin u diray Cigaal, si uu u soo galo Hargaysa, markii cigaal Hargaysa yimidna uu badh isaabku u sheegay in nin Shuuriye Biixi la yidhaahdaa uu miiska ku garaacay kuna hanjabay ha dii ay xornimada si dhakhso ah ingiriisku u siin waayo ay dhegta dhiiga u dari doonaan.

Sanadkii 1954 , waxa uu Shuuriye Biixi , si rasmiya ugu biiray xisbigii SNL , isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ololaha wayn u galay in ale aha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu noq do Xoghayihii Guud ee Xisbigii SNL 1956ki.

Alaha u naxariistii Shuuriye waxaa uu ka mid noqday barlamankii ugu horeeyay ee ay somaliland yeelato, isagoo ka mid noqday shakhsiyaadkii ugu codka badnaa doorashadii baarlamaankii xiligaa.

1969 kadib markii dawladii miltariga ahayd ay xukunka boobtay waxa uu marxuumku u baydhay dhanka ganacsiga isagoo caana ku ahaa ka soo horjeedka maamulkii siyaad bare oo uu ku ahaa mucaarid.

shuuriye biixi waxa uu ahaa nin aad unaxariisbadan,gaar ahaan wuxuu ahaa nin si fiican u xidhiidhiya qaraabadiisa,marka laga yimaad xilka siyaasiga ah ee qaranka ugu suntanaa waxa kale oo uu ahaa hogaamiyaha guud e beesha uu ka dhashay ee tumaalada,xilkaa hogaamiyaha guud ee beesha waxaa maanta haya wiilka uu dhalay ee maxamed shuuriye cabdi oo runtii ah hogaamiye wax badan kashabaha aabihii inkastoo beel ahan aanay jirin xilkii siyaasiga ahaa ee uu hayay cid badashay hadii ay jiraana ay yihiin qaar fadhiida oo dalka iyo beesha midna aan waxba ugu filnayn tasina ay sabaab u tahay aqoon la,aan iyo iyaga oo aan ehel u ahayn shaqada ay hayan. shuuriye biixi cabdi waxa uu kasoo jeedaa qoys magac kuleh jamhuuriyada somaliland.

shuuriye biixi waxa ay walaalo ahayeen oo aan ka xusi karnaa gabyaagii waynaa suldaan haybe biixi cabdi.waxa kale oo ay ilmaadeer yihiin,suldaanka caanka ah ee maanta haya talada beesha tumaalada suldaan baashe cilmi aadan.
alaha u naxariistee shuuriye biixi cabdi waxa uu ku geeriyooday magaalada Jabuuti 1993

geesiga dhulkiisa
guusha u horseeda.
geerida dishaay
gedkaa ha ba,o

cabdijaylaani@hotmail.com

No comments: