Ummadda Afka Somaliga ku haddasha gaar ahaana dadka ka soo jeedda dhul waynaha Somaliland waa ummadii martida amma xigmadda.
Waxay yidhaaheen, bahal la yidhaaho Dhidar waa mid ka mid ah bahallaha cunna xoollaha la dhaqdo, ayaa reer u soo dhacay, xeradii adhigu ku xeraysnaa ayuu isu daruuriyey isagoo markaa isleh Lax gool ah amma Wan wayn amma Orgi sogob ah, la haad si hamuunta gaajo ee eryeysa uu uga bugsado, markii uu xeradii gudaha u gallay ayuu la booday markaa wuxuu islahaa, waa wax bi’in kara saruurada hilin-doonnimo, taas oo aan marnaba caqligiisa gelin waxani neef adhi ah maaha, wuxuu la Booday, ”MANDHEER” Lax xerada ku dhex dhashay ka tagtay! Waxaa loogu magac daray” Dhidarkii Dhacee Mandheerta la dhacay”
Waxaa kaloo la yidhi, Gabadh ayaa Wiil ku curatay, kadib wiilkii wuxuu noqday mid hadalku ku xidhan yahay, oo aan haddalku ka soo bixin, habeen iyo maalin hooyadda wiilkaas dhashay waxay ILLAHAY ka baridaa in inankeedu hadlo, balse ducadda kumey darin ILAHAY inanka iigga hadli oo waxy khayr leh kaga hadli! Wiilkii wuu hadlay, muxuuse yidhi” HOOYOOY SIDDAA MA KUU GALLAA”
Labbadan sheeko waxay maanta ku abbaaran yihiin, wiilkii inta badan loo hanka weynaa ee dadku sidda weyn u dhegeysan jireen, siddoo kalena dhegaha iyo maqalka Shicibka Somiland aadka ugu farah badnaa wakhtiyadii danbe. Mr Jamaal Cali Xuseen( Qosol-yahan)
Jamaal Wuxuu noqday Dhidarkii Dhacay ee Mandheerta la dhacay, isagoo sheeganaya Aqoon-yahan, isla markaana muddo yidhi waxaanka soo shaqeynayey Bank Caalami ah, wuxuu yidhi Siyaasi ayaan noqonayaa, haba noqdo siyaasiye, wuxuu ka billaabay Tolla’ayeey, reer hebellow xusbigii udub inagaa lahayne meeyey, maxaa u keenay ina Warancade, iyo meel aad iyo aad u hoosaysa oo lagu qiimeyn karo, siyaabaha ay u hadlaan Caaqilada reeraha afkooda ku hadla iyo koofiyad bacle-yaashu
Mr Qosol-yahan, wuu hadlay wuxuu yidhi, dhalinyarada mareegta facebook , ku jirta ayaa iggu tidhi, Madax-weyne noqo, wuxuu kalloo ku daray, Dalku is beddel ayuu u baahan yahay, isagoo sii hadlaya wuxuu yidhi, Lacag baan haystaa! wuxuu kale oo ku daray,shacabka Somaliland oo dhan waan ka Qoslinayaa! haddaba waxaynu uggu jawaabaynaa.
Qoslaayow Qaranku maaha
Hogaankaan qaban karaaye
Xilkaan u qamaamayaaaye
Qabiil keygow i doorta
Qoslaayow Qaranku maaha
Qasnaddo lacagaan siddaaye
Qaderin baan doonayaaye
Qaxwaan idin Siinayaaye
Qalxado Shacab ii garaaca
Qoslaayow Qaranku maaha
Qixii baan odhanayaaye
Diwaanbaan qori rabaaye
Qiiriyo Qosol kayga raaca
Qoslaayow Qaranku maaha
Mid uu jeebkaagu qaado!
Ali K.Kabadhe
Netherlands
Calikayse@live.com
No comments:
Post a Comment