"Ka Qaybgalka Shirka London Waa Go'aan U Yaala Dawladda Iyo Shacabka S/land, Balse Maraykanku Si Adag Ayuu U Taageersan Yahay Shirkaasi, Waana Fursad"
Ergayga Maraykanka u Qaabilsan S/land Iyo Somalia James Swan
Hargeysa, January 25, 2012 (Haatuf) – Ergayga dawladda Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia James Swan oo booqasho ku yimid Somaliland doraad ayaa sheegay inuu la kulmay Masuuliyiinta sarsare ee Somaliland, kuwaas oo ay ka wada hadleen xidhiidhka labada iyo sidii nabada iyo Dimuqraadiyada Somaliland loo adkayn lahaa.
Mr Swan oo maalintii shalay shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka hadlay shirka London ee February loogu qabanayo Soomaalida ayaa tilmaamay in ka qaybgalka shirkaasi ee Somaliland uu yahay go'aan u yaala dawladda iyo shacabkeeda, balse dawladooda Maraykanku ay si weyn u taageersan tahay shirkaasi, isla markaana ay dawladda Britain kala qaybgalayaan qabanqaabada shirkaasi.
Ugu horayn Ergayga USA u qaabilsan Somalia iyo Somaliland ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan "Magacaygu Waa James Swan waxa aan ahay Ergayga Dawladda Maraykanka u qaabilsan Somalia oo fadhigaygu yahay Nairobi, kanina waa socdaalkaygii kowaad ee aan dib ugu soo noqday Somaliland tan iyo 1996-kii waxaanan halkan ku arkay isbedel iyo horumar, marka aan u soo noqdo Maraykanku waxa uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay oo toos ah masuuliyiinta dawladda Somaliland, waxa kale oo fursad ii ah intii aan ku guddo jiray socdaalkaygan in aan la kulay Xubno Maraykan ah oo halkan ka wada horumarinta iyo nidaamka Dimuqraadiyada, Horumarka Bulshada oo la shaqeeya wasaaradaha Somaliland, waxa aanu sii wadaynaa xidhiidhka wanaagsan ee aanu la leenahay Dawladda iyo Shacabkeeda Somaliland.
Waxa aan aad ugu niyad samahay xidhiidhkan aanu la leenahay Somaliland, sida cadna amaanka Somaliland waa mid wanaagsan waxa aananu dadaal dheeraad ah iyo taageeri doono ka geysan doonaa la dagaalanka Al-Shabaab sida aanu guud ahaan gobolka uga taageerno iyadoo Somalia ay ka socdaan hawlgalo ay ka mid yihiin wadamada Midawga Africa ee ku sugan Somalia iyo wadamada kale ee la jaarka ah. Maxaa yeelay waa in Somaliland aanu ka wada shaqaynaa arimahaasi sababta oo ah waa khatar guud waana in laga yeeshaa dan guud".
Ergayga dawladda Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo wax laga waydiiyey shirka bisha soo socota ka furmaya London ayaa waxa uu yidhi "Tani waa go'aan u yaala dawladda iyo shacabka Somaliland, balse waxa aan kuu sheegayaa in go'aanka dawlada Maraykanka ay si adag u taageersan tahay shirka ka dhacaya London ee bisha February 23 ka dhacaya London inuu yahay fursad ay hogaamiyeyaal badan oo aduunka ah oo meeqaam sare leh oo ay ka mid yihiin kuwa gobolkan inay ka hadlaan dhibaatada ka jirta Somalia iyo Mandaqada, dawladda Maraykankuna waxa ay si firfircoon u taageeraysaa diyaarinta oo ay kala talinayso dalwadda Britain diyaargarowgiisa".
Mr James waxa kale oo la waydiiyey waxa uu kala socdo ajandaha shirka London, waxaanu tilmaamay in shirkaasi lagaga hadli doono arimo ay ka

No comments:
Post a Comment