26 January, 2012

Fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maalintii 2-aad u furmi waayey

Hargeysa:- Fadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maalintii 2-aad u furmi waayey maanta kooram la’aan soo food saartay, kalfadhiga 17-aad ee golaha wakiilada Somaliland oo si rasmi ah u furmay ayaan ilaa hada aanay soo xaadirin xildhibaano buuxiya kooramkii lagu ansixin lahaa ajandaha kal fadhiga 17aad ee golaha wakiilada.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ajandaha kalfadhigooda waxa ugu jira arrimo xasaasi ah oo ay ugu horayso Ansixinta Miisaaniyada qaranka ee sanadka 2012 taas oo safka hore kaga jirta ajandaha kalfadhiga 17aad ee golahaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaai (Cirro), ayaa Xildhibaannada ka soo xaadiray fadhigii maanta ku war geliyey inaanu dhammayn kooramkii uu ku ku furmi lahaa fadhigu, isla markaana ku wargeliyey inay soo xaadiraan maalmaha soo socda Mudanayaasha aan iman fadhiga baaqday shalay iyo maantaba.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay mudanayasha aan soo xaadirin ay ogaysiis u marin doonaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta. “Mudanayaasha ka soo xaadiri waaye fadhiyada ogeysiis baannu u marin doonnaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka oo Magacyadooda lagu baahin doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.

Arrintan oo tan iyo markii Xukuumadda Siilaanyo talada qabatay 27 July 2010, u muuqday mid badi dhinac u wada jeeda, isla markaana ka ladan khilaaf sannado ka dhex oognaa Xildhibaannada mucaaridka iyo muxaafidka ee Wakiillada oo qoloba maalinta qoloda kale ajande wadato fadhiyada u ka maqnaan jireen, hase ahaatee, waxay tallaabadan labada maalmood uu u furmi waayey fadhigga golaha wakiilladu noqonaysaa caqab hor leh oo soo food-saartay golahaas, iyada oo aan weli si toos ah farta loogu fiiqi karin waxa la diiddan yahay.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: