Faysal Cali Waraabe oo Tilmaan ka Bixiyey Heerka Musuqmaasuq ee Rayaale iyo Siilaanyo
"..Wakhtigii Rayaale Musuqmaasuqaasi Wuxuu ahaa Wax la Wada Arkayo Maanta Tan Siilaanyo Waxa Isugu Yimi Niman Xatooyatada iyo Musuqmaasuqa Heerku Gaadhay [Mortgages] Caymisyo Guryo Lagaga Iibsanayo Yurub iyo Maraykanka.."
Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Hargeysa-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa shalay socdaal ku tegay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, halkaasoo ay kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeesheen xubno kala duwan oo isugu jira taageerayaal iyo siyaasiyiin reer Boorama.
Guddoomiye Faysal Cali iyo xubnaha xubnaha kale socdaalka ku weheliya, ayaa markii kulamadoodu u dhammaadeen, waxay Shir-jaraa’id ku qabtay Hotelka Rays ee Magaalada Boorama, kaasoo ay faahfaahun dheer kaga bixiyeen ujeedada safarkiisa oo uu ku fasiray inay tahay mid saldhigeedu yahay dardar-gelinta hawlaha Xisbiga.
Isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “..Annagu durbaan iyo sacab in nalagu soo dhaweeyo halkan Boorame umaanan iman hore ayey reer Awdal soo dhawayn iyo sacab noogu dhamaystireen, ujeedada safarkayagu wuxuu ahaa inaanu tallo gobolka kula soo noqono oo aanu weydiino sidii Xisbiga UCID iyo hawlahiisii Gobolka loo dar-dar gelin lahaa..”.
Guddoomiye Faysal oo ka hadlayey qaab-siyaasadeedka Xukuumada Siilaanhyo ku shaqayso, taasoo uu ka muujiyey rajo-xumo weyn, gaar ahaan arimaha la xidhiidha dhinaca musuqmaasuqa oo tilmaamay inuu gaadhay heerkii abid ugu cuslaa eeintii Somaliland jirtay.
“..Wakhtigii dawladii Rayaale waxaynu maqli jiray musuqmaasuq jira, musuqmaasuqaasi wuxuu ahaa wax la wada arkayo oo aan dhaafsiisnayn mid xooga-xada iyo ku Guri ka dhista dalka, taasi saleelo ayey ahayd maantaTan Siilaanyo waxa iskugu yimid niman xatooyatada iyo musuqmaasuqu heerku gaadhay Mortgages (Caymisyo) guryo lagaga iibsanayo Yurub iyo Maraykanka dee xogaagii aynu haysanay ma in danyarta loogu shaqeeyo ayuu noqon, mise in Mortgageka (Caymisyo) Guryaha Yurub iyo Maraykanka lagu bixiyo..”. Ayuu yidhi: Eng. Faysal Cali Waraabe.
Lama oga waqtiga rasmiga ee Guddoomiyaha iyo wefdigiisu soo gebagebayn dioonaan socdaalkooda iyo inay meelo kale uga sii gudbi doonaan halkaa iyo inkale toona.
Yool
No comments:
Post a Comment