10 January, 2012

“Cudurkii Labada Xisbi Mucaarid Malgay Ayaanu Iska Talaalaynay


“Cudurkii Labada Xisbi Mucaarid Malgay Ayaanu Iska Talaalaynay, Madaxwaynahana Waxaanu Ula Tagnay Cabashooyin, Damaca Hogaanka Xisbiguna Igama Maqna”- Jaamac-Shabeel


Khilaafkii Xisbiyadda Mucaaridka Kala Ir-Dheeyey Oo Ka Dhex-Qarxay KULMIYE, Shir Ay Madaxtooyada Ku Yeesheen-na Ku Kala Kacay+Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye oo arrintaa ka Hadlay

“Cudurkii Labada Xisbi Mucaarid Malgay Ayaanu Iska Talaalaynay, Madaxwaynaha Waxaanu Ula Tagnay Cabashooyin, Damaca Hogaanka Xisbiguna Igama Maqna”-Md. Jaamac Ismaaciil (Shabeel)



Hargeysa (Togaherer) – Xisbiga talada Haya ee Kulmiye ayuu ka dhex qarxay khilaaf hor leh oo la mid ah kii kala Ir-dheeyey xisbiyada Mucaaridka ee UCID iyo UDUB, Kuwaas oo shalay shir saddex geesood ah oo ay ku yeesheen Madaxtooyada Xildhibaanada Kulmiye, Hogaanka Sare Ee Xisbigaasi iyo Madaxweyne Siilaanyo ay ku kala kaceen kadib markii sida la sheegay mid ka mid ah xildhibaanada Kulmiye oo cadhaysani uu miiskii shirku ka socday uu caagad Moya saxo ah uu ku dul burburiyey, taas oo keentay in shirkaasi lagu kala kaco iyadoo wax natiijo ah laga gaadhin khilaafkaasi.

Shirkan shalay ka dhacay Madaxtooyada oo la doonayey in lagu gorfeeyo xalna loogu helo khilaaf ka dhex taagan hogaanka sare ayaa la sheegay inuu salka ku hayo qabsoomida shirweynihii golaha dhexe ee xisbigaasi oo muddo dhaafay iyo damaca xubno xisbigaasi ka tirsan ay ugu jiraan hogaaminta xisbigaasi oo muddo cirka isku sii shareeray.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo Haatuf khadka telefoonka kula xidhiidhay shalay si aanu wax uga waydiino Khilaafka ka dhex oogan Kulmiye iyo shirkaasi ay Madaxtooyada ku yeesheen ee lagu kala kacay ayaa sheegay in khilaafkii u dhexeeyey xisbigoodu uu dhamaaday ka dib markii ay Madaxwaynaha isula tageen, isla markaana arintii ay isku maandhaafsanaayeen lagu xaliyey in la iskaga yimaado doorashada deegaanka ka dib.

Jaamac Shabeel ayaa sidoo kale tilmaamay in kulankii shalay ee Madaxtooyada ka qabsoomay ay ku magacaabeen guddi ka soo arimisa liiska golaha dhexe ee xisbiga, isla markaana xisbiga u doonta dhaqaale uu ku galo doorashada deegaanka.

Waxaanu yidhi “Khilaafkii yaraa ee jiray wuu dhamaaday, Shirkii aanu u balansaynayna muu baaqane wuu dhacay oo Madaxtooyadda ayuu ka dhacay, wax wayn oo dhibaato ahina may jirin, laakiin hadii aan runta kuu sheego Cudurkii labada xisbi ee UDUB iyo UCID malgay ayaanu iska talaalaynay oo talaalkii ayaanu maanta qaadanaynay, markaa maanta shirkii sidaa ayuu u qabsoomay”.

“Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye dhawaan ayuu dhacayaa oo waanigii sheegay inuu dhaqaale la’aan u qabsoomi waayey, markaa waxa la Magacaabay Guddi dhaqaale xisbiga u soo ururisa, guddidanina waxa kale oo ay soo diyaarinaysaa qoraaladii shirka golaha dhexe ee Kulmiye, waxa kale oo aanu magacaabaynaa gudi kale oo ah guddi hawsha Liiska golaha dhexe loo xilsaarayo”.

Jaamac Shabeel mar uu ka hadlayey Khilaafka sababay in Madaxweynaha ay isula tagaan iyo waxyaabihii madaxweynuhu ku dhexdhexaadiyey ayaa waxa uu yidhi “Madaxwaynaha waxa aanu iskula tagnay Khilaaf may ahayn ee cabashooyin yaryar oo jiray ayey ahaayeen oo waa talaalkii aan kuu sheegayey, dadku markay muddo kala maqnaadaana tabasho ayaa had iyo jeer iska jirta markaa in la is tabasho bixiyey ayey arintu ahayd. Xisbiga Kulmiye-na maaha xisbi la isku guul wadeeyo oo la isku munaafaqadeeyo maaha ee runta ayaa la isku dhiibaa, marka danbena waxa la iskugu yimaadaan xaasilka iyo waxa xalku yahay”.

Jaamac Shabeel mar uu ka hadlayey hunguriga iyo damaca kaga jira hogaaminka sare ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Xilalkaas Damacoodu aniga igama maqna oo binu aadamka damacu kama maqna laakiin imika arintaas waxba kama odhanayo marka wakhtigeeda la gaadho ayaan ka hadli doonaa damacayga Guddoomiye-nimo iyo ka Musharxnimo-ba oo Damaca Hogaanka xisbigu igama maqna ee wakhtigeeda ha la gaadho”.

Si kastaba ha ahaatee khilaafyada cakiran ee muddooyinkii u dambeeyey xisbiyada ku habsaday ayay dadka u dhuundaloolaa ku tilmaameen inuu salka ku hayo dano iyo damacyo siyaasadeed oo gaar ah oo ay iska riixanayaan hogaanka xisbiyadaasi, kuwaas oo sheegaya in khilaafkii sanadkii hore xisbiga UCID laba u kala jabiyey, isla markaana shiikhiyey awoodii xisbigaasi ku lahaa saaxada siyaasada Somaliland inuu hadda dhex miranayo Xisbiga UDUB oo hadii aan xal degdeg ah loo helin uu Hagaasmi doono sidii UCID oo kale.

Hase yeeshee Arinta xisbi xaakimka oo ah mid ugub ah ayaad moodaa inay ka duwanaan doonto laba xisbi ee kale, balse arinta laga qiyaas qaadan doono halka uu sal dhigan doono marka la gaadho qabashada shirka golaha dhexe ee xisbigaasi oo rag badani ay damacooda siyaasadeed baddka soo dhigi doonaan.

Haatuf http://samotalis.blogspot.com/

No comments: