18 December, 2011

XIL-WAREEJINTII LABADA TALIYE EE CIIDANKA QARANKA SOMALILAND

Nuux Taani oo Maahmaah DUUR-XUL ah u Diray Siilaanyo

"..Xaashee Nin Libin Kaa Xistiyay Xumahii Waa Yaab.."

 Nuux Ismaaciil Taani-Taliyihii hore

Taliyaha Cusub Maxamed ee (Jidhif)


Hargeysa-Taliyaha hore ee Ciidamadda Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ku sagootiyey Maahmaah DUUR-XUL oo uu ka soo dheegtay Marxuun Abwaan Salaan Carabay oo ay isku beel ahaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Sidaana waxa uu ka sheegay madal-ilyartu isqabatay oo ay xilka kula kala wareegayeen isaga iyo Taliyahacusub ee dhowaan Madaxweynuhu u magacaabay Ciidanka Qaranka Somaliland Md. Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif).

Xil-wareejinta labadda Taliye oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee Ciidamadda Qaranka, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Gaashaan dhiga, Hawlaha Guud, Cadaaladda, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland, Xildhibaano iyo siyaasiyiin aad u tiro badan.

Taliyihii hore ee Ciidamadda Nuux Ismaaciil Taani oo si weyn loogu aaneynayey inuu lug ku lahaa asbaabihii Madaxsweyne Siilaanyo u sahalay inuu Kursiga dalka laga hoggaamiyo ku fadhiisto, isla markaana dadka qaarkood aanay fileyn in Madaxweynuhu si dhib yar xilka uga qaadi doono, ayaa waxa dad badani ka ilayeen inuu ka hadli doono arimo badan oo aan ka farxin Madaxweyne Siilaanyo, haseyeeshee dadkii khudbadiisa dhegeystay qaarkood waxay ku fasireen hadalkiisii mid bisayl faro badan oo siyaasadeed ka muuqday, sidaa awgeedna uu ka doorbiday inuu yooyootamo inuu bulshada tuso waxqabadkiisii dhinaca Ciidanka.

Inksatoo gunnaanadka khudbadiisa uu kusoo khatimay mid ka mid ah Maansooyinka Caanka ah ee Gabayadii Marxuun Abwaan Salaan Carabey, taasoo ahayd mid xanbaarsan erayo xanaf badan oo dareenka dadka aad u soo jiidanaya, maadaam waxa arinka Gabaygu ka hadlayaa uu yahay ABAALKA RAGANIMADU leedahay ama u baahan tahay.

Md. Nuux Taani waxa uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay inuu ka xogwaramo waxqabadkiisii mudadii dheerayd ee uu xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka hayey, waxaanu yidhi: "..Mudadii aan xilka hayay oo ahayd mid aad u dheer waxa aanu dhisnay ilaa laba boqol oo hangar oo qaadaya hub aad u tiro badan, kuwaas oo aan ka dhisnay Magaalada Burco, waxa kale oo aan dhisnay taliska Oog oo markii hore ahaa hal guri, laakiin hadda ah talis, halkan (Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka) waxa ku yaala Hangaro badan oo aanu dhisnay, meelo yaryar oo aanu wax badan ka qabanay ku maan darin..". Ayuu yidhi Taliyihii hore ee Ciidamadda Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu ka dhawaajiyey arinta Darajadda Ciidamadda, waxaanu xusay in Wasiiradii Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ay caqabad ku noqdeen, isagoo arintaa ka hadlayna waxa uu yidhi: "..Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo Darajadda Ciidamadda, runtii waanu isku daynay in aanu darajooyin u samayno Ciidamadda qaranka, laakiin waxa ay arrintaasi ka dhaqaaqi wayday oo hortaagnaa Golaha Wasiiradda ee Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin..".

Nuux Taani oo hadalkiisu u muuqday mid diblomaasiyadeed oo aan wax turxaan ahi ka muuqan, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xil-wareejinta oo aanu wax cuqdad ah ka qabin. '..Waan soo dhawaynayaa xil wareejintan, waxaanan hadalkayga ku soo koobayaa maahmaahdii ahayd '..Xaashee Nin Libin Kaa xistiyay Xumahii waa Yaab..'.

Geesta kale, Taliyaha Cusub ee Ciidamadda qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo isaguna hadalkaa erayo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horayn waxa uu baaq u diray Beelaha Walaalaha ah ee Awdal iyo Gabiley, sidoo kale, waxa uu tacsi u diray qoyskii ay ka baxeen dadkii dhowaan lagu laaley deegaanka SAAMEEL.

Jidhif madasha kama muujin wax farxad ah oo uu u hayo Xilka loo igmaday, sidoo kalena waxa uu carabka ku adkeeyey hay'adii uu ka shaqayn jirey, taasoo uu ku tilmaamay inay ahayd mid qabow oo xaalkeedu la mid yahay '..         JIIF OO JAQ..', Waxaanu hadaladiisa ku bilaabay sidan: "..Runtii xilkan aniga la ii dhiibay waan ogahay dhibkiisa, aniguna waxa aan iska joogay meel qabaw oo ay iska haystaan ilma Nabi Ciise, haddii aan wax badan ka garan waayo iyaba waan u sheegayoo halkaygii ayaan dib ugu noqonayaa..".

Taliye Jidhif, oo ka mid ahaa Saraakiishii SNM shaqsiyaadkii ugu Kalka adkaa ama go'aanka adkaa, waxaana dad badani ku xasuustaan amaradiisii cahdigii Xukuumadii Maxruum Cabdiraxmaan Tuur, inkastoo ay jiraan tusaaleyaal kuwaa ka duwan oo ay ka bixiyaan dadka aqoonta fiican u lihi, kuwaasoo ay ka mid yihiin keligii cune aan cid kale waxba u ogolayn. Haseyeeshee waxa uu maantaa muujiyey talaabo arintaa ka gedisan, waxaana taas daliil u ah erayadii uu halkaa ka jeediyey oo aynu ka xusi karno: "..Waxaan uu Xukuumadda u soo jeediyay in wax badan laga qabto mushahaarka Ciidamada, isla markaana loo kordhiyo wuu maqan yahay Saaxiibkay Wasiirka Maaliyaddu'ye waxa aan soo jeedin lahaa in Ciidamadda Qaranka mushahaarka loo kordhiyo, aniguna waxa aan ku dedaali doonaa sidii ay taasi u dhici lahayd oo hadii aan wax yar soo helo halkan uun baan dib ugula soo noqonayaa oo waxa aan odhanayaa waxan baan inoo soo helaye inoo qaybiya..". Ayuu yidhi.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo Taliyihii hore ee ciidamadda qaranka Somaliland ku bogaadiyay hawshii balaadhnayd ee uu qaranka u hayay, ka cusubna ilaahay uga baryay in uu hawsha ku asturo.

Yool

No comments: