Radio Maqaloocshe
A. A. A. Garas
Halkan waa Raadiyow Maqalloocshe oo aydin ka dhagaystaan Mawjadaha kaftan aqoonka, imika waxa la gaadhay xilligii aan warka idinku gadh-qaban jiray.
Warkii oo Kambadhuudha:-
Tartanka ciyaarah lugta laysku walaaqay ayaa gobollada shankaroonta loogu qabtay gego banaan oo Burco looga xaadhay Bardoodanka Kubada lugta, taas oo Kuray xooglayaal sideed gobol ka soo ciyaar guday ay gifta iska saareen.
Wasiirka Hirdanka iyo heellada ayaa u goleeyay garoonka si ay gobolladu Caagga kuusan ugu kala calaf qaadaan. Hirdankan oo horeba u dhici jiray, laakiin ka sanadkan ayaa sanqadhiisu cirka isku shareertay oo dad iyo Daayeerba xiisihiisu samada gaadhay, kaas oo loo bixiyay ciyaarihii Coofluhu yaabay.
Waxa xamaasadiisa xiddigaha mariyay Shirkadda Somtel oo warbaahinta ku casharisay qudh u daawashada ciyaaraha hirdanka gobollada, taas oo Telefishankii iyo Adeecadihii layska caayi jiray ciyaarta ku faafiyeen, dadkii siyaasadu dhego barjaysay, taas oo dadka gebigiisuba garoon joog ahaa wakhtiga hirdanku socday.
Hadaba Wariyaha Raadiyow Maqalloocshe ee waqda ciyaarta Burco ayaan idinku wareejin si uu inoogu soo tabiyo, waana kan Wariye Afgudhiye waxaanu yidhi:-
"Waayahay imika Kubada gabaacuursani waxay taallaa Xundhurta garoonka gobollada Togdheer iyo Hawd ayay sugaysaa, Bigil-wallaha ayaa magangalyo u haya.
Kubadu waxay cabsi la gashay gondaha Bigil wallaha, waxa lugta kula haliilaya oo la haab-haabanaya Kurayda laba kooxood, waa kuwaa kooxihii midba dhan uga haaneetay, qoloba wiil baa ka Horma saarteeyay, loo yimid tii Kubadda ahayd.
Alla maxaa laad ku dhici wallee tanaa iska jabtay, midba dhan buu Kabta kaga tiiriyay, Bigil wallow wax baad damacsan tahay, wuu ka yara Faagtay u cabaystay Siidhiga, kagaba Cisii Dhii-dhiidh dhii, way bilaabantay bahashii oo ragax baa laysku yidhi, ninba Raafbuu la ruubtay, hebel oo Hawdaa haleelay hujuun buu ku ekeeyay isagii baa duduucay, wuu la hangalaysanayaa, wuu hakiyey hareerihii buu degdeg u eegay, Najis kaloo reer Hawda ayuu u dusiyay isna sii duduuc, laba galbay goolkii god-dheer buu ku wadaa, khatar khatar, difaac baa u daruuray, bariiquu isla gaaciyay, hayaay war ninku ba'anaa, hadana kala muruxsay, diilintii God-dheer buu isla naadhinayaa inan Baasow wallee ma hakado hoosta kala gal, halis suldaaro loo dhigay ka samato bax laba siq kubadii gujaduu ku darandooriyayaa gool walihii buu kula toosay halis, khatar, waar hayaay laad laad buu isla Kala jiiday kuba tuwaaliyoo, taw bay tidhi gool wallaa gaadayoo kaba hoos dustay, gashayba gundhaday jartay goolkii god dheerGoooool, Goooool, dhalay oo goolkii God-dheer ku dhalay, kadib markii Najis reer Hawd ahi haanka ugu riday Kubad Foodhyaysa.
Ciyaartaas oo ahayd tii ugu doofaarsanayd waxay ku dhamaati gobol yar oo gobol weyn ku tuntay.
Si kastaba ha ahaatee Shankaroonta oo berigii hore aan moodi jiray inay Isha uun ka ciyaarto Kubadda waxaan ogaaday inay Adinkana ka ciyaaraan oo ay waliba Libaaxyo ku yihiin, kuwaas oo Naadi xula oo gobollada laga naqeeyaa ka qayb gali doonaan Koobka Wadamada aan aqoonsiga lahayn ee Kuuriya ka dhacaya.
Dhinaca kale Madaxyaraha xukuumada Shankaroonland ayaa Milatariga dalka garba raar cusub u suntay, halka uu garbo raarkii hore duco la'aan xilka kaga ga qaaday, wuxu ku daray mid ka midda dablayaasha sare, garba raarkaas waxa galaaftay baa loo malaynayaa reerkooda oo lagu eedaynayo dad dhawaan sida Mulaca loo laayay, falkaas oo fool xumo weyn noqday, wallaw ilaa imika aan falkaa mid gaystay iyo mid ka dambeeyay-ba aan la ogayn, laakiin xukuumadda ayaa u xaydatay sidii ay aafo uga hor tagi lahayd, waxay Xabsiyada ku duubtay dadyowgii ardaaga u ahaa meesha ay ibtiladu ka dhacday iyo kuwo gacan fudayd lagu tuhunsanaa, dhacdadan oo u dhigan isku dhufasho laba beelood oo dakano horena dhextaal, iyadoo ay tahay fursad ay daalimiintu ka faa'iidaysato, taas oo lagaba yaabo in cadow shisheeye-ba ku shuqul lahaa waxayna u baahan tahay hubsiimo laxaadle.
Waxaanay ku hagaagaysaa haday dawladu tidhaa nooga aamusa inta baadhista aanu dhamaystirayn.
Qabiilka dilka loo gaystay ayaa Jannada ku galaya Samirka iyo dulqaadka ay dhacdada kaga jawaabaan.
Si kastaba ha ahaatee Janankan jagada laga qaaday oo ahaa garba raar geedkaas leeg wuxu ahaa ninkii saacado gudahood gacanta ku dhigay gobollada bariga Shankaroon, kaas oo billado buur-buuran ku lahaa berigii dawladii hore joogtay, kaas oo ahaa nimaan halka uu ku beegan yahay guul ka soo hoyn jiray, waxaase galaaftay inkaartan adimadiisa ka dhacaysay, waxaana suurow ah in cadowgii uu dalka ka celin jiray dhacdadan u dhex qaaday.
Garba raarkan cusub oo ah mid Mudakar ah waxaa lagu tiriyaa garba raar geed Lab ah, waxaanu ku soo beegmay xilli Shankaroonta shan meelood dab lagaga shidayo, kaas oo ciidamadii gaallo madawda ahaana dhawaan ay xukuumadan shicibka ahi u gacan haadisay, kuwaas oo la maqlaayay wasiir arrimaha dibada oo Igad ka dalbanaya ciidamada amniga ilaaliya. Hadalkaas oo uu ka sheegay shir todobaadkan ka dhacay Hargeysa, meeshaas oo ay joogeen saraakiishii gumaysiga doonaya inay Shankaroonta qabsadaan, heshiiskaas hudheelka lagu galay oon aadba loo dareemin, balse ma jirto khaayinimo ka wayn in xukuumadu u yeedhato ciidankii qabsanayay dalkooda, bal eeg oo ma Shankaroon baa maanta joogta meel ciidamo loo dalbado, marka Janankan cusub waxa horyaalla xilli cadawgii dalka loo yaqaano beesha Caalamka iyo Hay'ado wax caawinaya, taas oo xukuumadiisuna tahay ciyaalo sibinaar aan aqoonin waxa ciidanka Milatari dalka u taro.
Imikana waxa la gaadhay xilligii aan idinku habi-jiray Gabayga:-
Kol hadaan Mocayday
Maraykaan cad noqonayn
Bal maxaan miraaliyo
Maajistar iga galay
Maan Maroodi jeexiyo
Mullaaxdaa Togdheeriyo
Ciyaartayda milicsado
Ku mitido waxaan ahay
Kol hadaan muggaan ahay
Afrikaan I moog yahay
Magacayga laanta ah
Marti qaadis qaraniyo
Milgahayga sheegayn
Milatariga Igadiyo
Gumaysiga madow ee
Muqdishaba ku soo dagay
Ee marmarsiiyo ii raba
Sideen kula midoobaa
Mucaahido u yeeshaa
Oon maanta ugu yeedhnaa
Bal maxaa Mahiigiyo
Maanki Buunyadaa baas
Maanta ugu yeedhaa
Maan maamulkaygiyo
Ku mitido waxaan ahay
Intii aan mashruuc gaal
Kaalmada ku mami laa
Wadankayga Maadhka ah
Miyirsado dhulkaygoo
Xoolahayga mayraco

No comments:
Post a Comment