08 December, 2011

Nuxurka Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda, Taliyeyaasha Ciiddamada Somaliland iyo


Nuxurka Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda, Taliyeyaasha Ciiddamada Somaliland iyo Madax dhaqameedka Gobolka Gabiley.

Kulankaasi oo Saacado qaatay ayaa markii laga soo baxay waxaa Warbixin kooban warbaahinta ka siiyay Wasiirka khaarajiga...

Gabiley (GNS)-Laba Wasiir oo ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo kala ah Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar iyo labada Taliye Ciidan ee Qaranka Gen.Nuux ismaaciil Taani iyo Gen.Maxamed Saqadhi dubad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha C/laahi xuseen Cige (Black) ayaa kulan Albaabu u xidhanyahay kula yeeshay Madax dhaqameedka iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley xarunta Maamulka Gobolka. 

Kulankaasi oo aan loo oglayn Warbaahinta ayaa la filayaa in lagaga wada hadlay Arimo ku saabsan dilkii Foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay Deegaanka Seemaal oo ka tirsan deegaamadii shaqaaqada Ceelbaraadle ka dhacday iyo sidii Madax dhaqameedka iyo Xukuumada somaliland iska kaashan lahaayeen in la soo qabto Gacan ku dhiiglayaashii gaystay dilkii Waxshinimada lahaa ee ka dhacay Deegaanka seemaal. 

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Maamulka Gobolka Gabiley iyo Taliska Ciidanka Booliska, kuwaasi oo la sheegay in ay soo gudbiyeen Baadhis ay sameeyeen iyo halka ay marayso hawsha daba galka ay wadaan ee ay ku Baadi goobayaan Cidii ka danbaysay Falkii Foosha xumaa ee ka dhacay Deegaanka Seemaal. 

Kulankaasi oo Saacado qaatay ayaa markii laga soo baxay waxaa Warbixin kooban warbaahinta ka siiyay Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.maxamed C/laahi Cumar waxaana uu sheegay in ujeedada kulankani ahaa sidii Xukuumada iyo dadwaynaha reer Gabiley iskaga kaashan lahaayeen soo qabashada gacan ku dhiiglayaashii gaystay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka seemaal, Wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta waxaanu halkan u Nimi waa Dhacdadii ceelbardaale ee dhibaatada dhimasho lahayd si aanu ugala hadlano Cuqaasha, Waxgaradka iyo salaadiinta Gobolka Gabiley, sidii arintaa loo soo afjari lahaa cidii fal danbiyeedkaa samaysayna aanu usoo qaban lahayn, shacabkuna ay gacan uga gaysan lahaayeen oo ay Xukuumadda ka caawiyaan in dadkaa la qabto, waxaa kale oo aan jecelahay inaan dadka halkan uga cadeeyo in Cuqaasha, Waxgaradka, Salaadiinta iyo maamulka Gobolka Gabiley in ay dhamaantood aad uga xunyihiin dilkii Xumaa ee ka dhacay Seemaal” 

Wasiirka oo faahfaahin ka bixiyay Nuxurka kulan dhex maray Xukuumada iyo Madax dhaqameedka Gabiley ayaa sheegay in Shacabka, Waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka Gabileyba ay Cadeeyeen in ay Gacan ka siinayaan sidii loo soo afjari lahaa Shaqaaqadda iyo Xasilooni daradda ka taagan Deegaanka Ceelbaradaale isla markaana ay hoosta ka Xariiqeen in ay Diyaar uyihiin in ay Gacan ka gaystaan sidii loo soo qaban lahaa ciddii ka danbaysay Falkii foosha xumaa ee Fidnada ka dhex Abuuray Bulshadda Walaalaha ah ee Labada Gobol. 

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr.maxamed C/laahi Cumar ayaa Baaq Nabadeed u diray Bulsho waynta ku dhaqan Goboladda Awdal iyo Gabiley isaga oo ku booriyay in ay ka wada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Deegaanadda Dhibaatadu ka dhacday isaga oo kula dardaarmay in aan si naxli leh looga hadal arintaasi, Wasiirku waxa kale oo uu Baaq usoo jeediyay saaxafada Somaliland oo uu sheegay in ay Masuuliyadi ka saarantahay arintaasi sidii ay Nabadaynteeda uga qayb qaadan lahaayeen. 

Kullamada Xukuumada, Taliska Ciidamadda iyo Madax dhaqameedka Gabiley ayaa ilaa galabta socoda kuwaasi aan la garanay illaa hadda halka ay marayaan Wada hadalada iyo Baadhitaanadda lagu raad guraya Danbiilayaashii gaystay dilkii seemaal iyada oo ay wali xidhanyihiin Sh.Maxamuud Sh.Muxumed Raage iyo Lix Caaqil oo ka mid ah Madax dhaqameedka Gabiley iyo waliba Xubno kale oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Salaadiin oo ay ka mid yihiin Suldaan Xuseen Aw Muuse iyo La Taliyihii Madaxwaynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad). 
La soco Wixii ka soo kordha Arimahaasi 

Mustafe Future 
Gabiley News Reporter 
Gabiley, Somaliland 
mccfuture@hotmail.com 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: