Hargeysa (samo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka Kulan la qaatay Talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha Booliska, Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga.
Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan Amar adag ku siiyay in ay Soo qabqabtaan dadkii geystay Dilkii xalay ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, waxana uu ku xoojiyay in aanay ka hadhin cidii gaystay Falkan
Sidaas waxa Madaxweynuhu ku sheegay War saxaafaddeed, ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Gabiley News, War saxaafadeedkan oo dhamaytiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
Warsaxaafadeed
Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Saameel oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan.
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga horkenaan.
Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay.
Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.
http://samotalis.blogspot.com/

Mr Siilaanyo waxa uu dhanka kale sheegay.......
No comments:
Post a Comment