DILKA FOOSHA XUN EE SEEMAAL WAA NABAR BADHEEDH LOOGU GEYSTAY
QARANNIMADEENA.
Ahmed Arwo
La-taliyaha
Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Kolka kowaad tacsi naxdin, damqasho iyo murugo aan la
wadaago qaranka Soomaliland aanan u gudbiyo ehelka 3da muwaadin ee gardarda aan
geed loogu soo gaban sida foosha xun loogu dilay baradii ay nabadda ku hurdeen.
Nabarkan sida gaarka loola kacay reero nabad iyo naruur ku seexday
damqashadeedu waa mid kulmisay dhammaan shacbi weynaha Somaliland gobal kasta
ha joogaane. Waxa sidoo kale naxdinta la wadaaga qurbajooga Soomaliland oo
werwer ku habsaday,wardoon iyo foon ku jiray 24 saacadood ee ina dhaafay. Duco,
murugo, canbaareyn iyo dhaleecayn ayaa muwaadin kasta isla mar ku kulmay.
Cidda falkan geeysaytay waa cadow ku soo duulay
qaranimadeena, nabadeena, wada-jirkeena, horumarkeena, aayaheena iyo
mustaqbalkeena. Waa mid ujeedo keli ah leh, in la khalkhaliyo nabadeena lana
wiiqo jiritaanka dawladnimadeena. Waxay tahay mid lid ku ah horukaca
diblomaasiyeed ee xukuumaddu soo hoysay iyo geedi-socodka dimuquraadiyadeena
adduunku aad u qiimeeyey, iyo wadjirkeena aynu intaasba ku gaadhnay.
Waxay si
toos ah u dooxday nabaddii muddada dheer laga hawlgalay ee laga gaadhay
mashaqadii Ceelbardaale, oo la sugaayey in dhammeystirkeeda dhowaan la soo
gaadho. Waxay damaqday nabar bogsiis ah ooy ku noqotay caabuq u baahan dhaymo
iyo daaweyn degdeg ah. Waxay jiifisay ididiiladii walaalaha galbeed ay sida
xamaasadda leh isu taageen wadajirkooda
iyo horumarkooda oo gun u tahay ilaalinta danta guud, isu-socodka ganacsi iyo
bulsho, iskaashiga mashaariic horumarineed iyo qaar dhaqanba.
Dad wada dhashy, inaabti, habarwadaag, abtiyaal, seedi iyo
sodog, ayeeyo iyo awoow, wiil iyo abtigii, gabadh iyo sodegeed, sodoh iyo
wiilkeed, marwo iyo seygeed ayaa colaad nacasnimo la dhexdhigay. Waxa taagan gabaygii Gaariye ee dhacdadiisu
ahayd:
-Ahey way iyo ciil
umalkayga hiqdeyda
calool oyga nafteyda
ilmada iga da'aysiyo
imtixaanka i haysta
-Anigaa is maqli waayey
orod bay wax i leeyihiin
ololna wuu fahmayaa
ayaamo is gurayaana
way igu fool adag yihiin
-Ahey way iyo ciil
Aaminaay magacey ba'
Asaagay igu wiirsay
inanteydu gumowday
ka irdhoobay shisheeye
ku eedoobay sokeeye
ehelkay ka qalooday
cidna aamini waayey
-Cidna eersan maayoo
inkaar baa igu biirtayoo
anigaa isu geystay
-Dharaartii Alle keenana
ayni ii kordha mooyee
caqli iima siyaado
-mana waayo arkaayo
wax kastood akhridaan
waxaan ahay Alle doori
seed dhanina aanay ku oolin
Haddaba hadday ujeedooyinkaas iyo raadxumadaas uu falkani
leeyahay, maxaa inala gudboon:
1. In
dhammaan laga hawlgalo soo qabashada cidda dilkan nacasnimo geesatay. Waxa
waajib gaar ihi saran yahay cidda ay ka soo jeedaan oo ay tahay inayna
qarin ee ay gacanta u soo galiyaan
xukuumadda. Waxa waajibka kowaad saran yahay xukuumadda si gaar ah laamaheeda
nabad ilalinta iyo nabad sugidda. Waa inayna Waxaba la hadhin sidii ay
garsoorka u keeni lahaayeen dambiilayaasha.Taas waa lagu dhaqaaqay oo amar
Madaxweyne ayaa lagu fuliyey ee waa inay si dhakhso ah u midho-dhalisaa.
2. Waxa
iyana waajib ah inaynu dhammaan isu taagno oo aynu muujino naxdinta iyo
damqashada aynu la qaybsano eheliyadda ay sida gaarka ah dhibtani u gaadhay.
Waana inaynu ka dalbanaa samir iyo is-dejin iyo dulqaad siyaade ah.
3. Madaxdhaqameed,
siyaasiyiin, aqoonyahan, dhalin iyo waayeel rag iyo dumar gaar ahaan labada
dhinac waa inay u guntadaan sidii
xukuumadda loogu taageeri lahaa soo qabashada dambiilayaasha iyo sugidda
nabadgelyada. Waa in loo baxaa oo la abaabulaa baaqyo nabadeed, shirar nabadeed
iyo gogal nabadeed.
4. Culumada
iyo warbaahinta waxa la gudboon wacdiga iyo wacyogelinta iyadoo la baahinayo
qiimaha nabadda, wadajirka iyo ilaalinta sharciga.Warbaahinta ooy ku jiraan
websiteyadu xilbaa ka saran wanaaga bulshada iyo nabadda guud. Ha ka fogaadaan
faalooyinka naxliga iyo xumaanta wata, ha badiyaan waanada iyo ereyada nabadda
iyo wadajirka aloosaaya. Ha yeeeshaan hubsiimo dheeraad ah xiligan xamaasaddu
taagantay.
5. Waa
in isu-soo-bax nabadeed laga abaabulaa gobalada galbeedka.
Haddaba
hadafka cadowga oo u muuqda mid guuldaraystay kolka aad eegto sida loogu gurmaday
in fidmadani sii fidin, ayaa aynu u rogi karnaa guul iyo xoojin nabadeed kolka
aynu isla garano in cadwogani ahaa mid duulaan ku ah qarannimadeena iyo
wadajirkeena. Taas waxa sal u ah qabashada dambiilayaasha iyo fahamka ehelka
dulmiga weyn loo geystay ooynu la wadaagno dhibta iyo murugada, inkasta ooynaan
soo celin karayn nafleydii ay waayeen. Waa in la soo afjaraa sababta nabarkan ay
u adeegsadaan maanlaawayaashu.
Maanta
oo kale waxa taliya maanka iyo qalbiga fayow. Waxa habboon in afka laga xidho oo
dhegaha laga xidho inta cududa iyo caadifadda ku talisa. Waa inaan dhiig dambe
oo muwaadin si doqoniimo ah amba aarsi ah loo shubin. Agow aarsi waa silsilad
dhiigba dhiig ku biro oon lahayn daba la qabto. Cadaaladdu waa tan keliya ee
dulmiga suulisa ma aha aargoysi maato lagu gumaado. Cadaalad aan eex lahayn,
aan dabac lahayn oo xaqsoor ah ayaa arrintan soo afjari karta. Taas waxa lagu
gaadhayaa samir iyo inagoo dhammaan isu taagna inaynu xaqqa taageerno, ooyna
nabadda wada ilaalino, ciidanka amaanka iyo hay’adaha nabadda waa waajib in
lala shaqeeyaa.
Gunnaanad.
Imtixaan ayeynu maraynaa guushiisana lagu gaadhi karo wadajir iyo midnimo. Hore
ayeynu tan oo kale u soo marnay weynu ka guulaysanay, dariiqii aynu u marno oo
inagoo gacmaha is haysana aynu tusno cadowga in Soomaliland tahay jidh qof
keliya oo nabarka gaadha ku bogsiiya carabkiisa oo liifa. Waxa se habboon in
dhacdadan oo kale laga afeef dhigto oo laga yeesho agab ka ilaaliya soo
noqoshadeeda. Waa cadaalad laga gaadho gunteeda oo si geesinimo ah oo xaq ah
loo gaadhsiiyo garsoor dhab ah.
Aan idinku dhaafo tacsi kal iyo lab ah,
tacsi qaran, tacsi ehel, tacsi xigto iyo xigaal. Aan u duceeyo muwaadiniinta
gacan gardaro lagu dilay in Alle ugu abaal gudo janatul fardows, ehelkoodana
waafajiyo samir iyo duco. Allow cawad kheyr badan ka sii samirkooda, kana yeel
kuwo u horseeda bulshada samir ay ku dhowraan nabadda bal se ay ku doonaan xaqqooda
cadaalad iyo garsoor.
Soomaaliland nabadeedu waa wadajirka
bulshadeeda. Waa danta guud oo la ilaaliyo, waa cadaaladda oo la garab galo.
Waa waajib qaran, waa waajib bulsho, waa waajib fardi.
Allow xaqqa na waafaji. Amiin.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com

No comments:
Post a Comment