Dil goor dhaweyd ka dhacay magaalada Ceerigaabo gudaheeda
Hargysa,-Magaalada Ceerigaabo oo maalmahan danbe aad u deganayd ka dib markii la soo afjaray colaadii,dilalkii iyo aanooyinkii u dhexeeyay labada beelood ee Musa Ismaaciil iyo Naaleeye Axmed ayaa goor dhaweyd dil kale ka dhacay.
Waxaa la dilay nin wadaada oo wadada tabliiqa ee reer Ceerigaabo ah oo Magaciisa la yidhaahdo Xuseen Dhancade. Waxay wararku intaas ku darayaan in ninka dilka geystay oo isna reer Ceerigaabo ah oo la yidhaahdo Maxamed Saalax Fuje gacanta lagu dhigay oo ciidmada booliiska degmada Ceerigaabo qabteen iminkana xidhan yahay.
Ilaa hadda ma jiraan wax kale oo dhiba oo ka dhacay magaalada eerigaabo aan ahayn dilka ninkaa tabliiqa xaalada magaaladuna waxaa la sheegayaa inay weli degan tahay dhinaca kale ma cada sababta mr Fuje ku dilay wadadkan tabliiqa ah oo la sheegay inuu ahaa nin aan dhib lahayn.

No comments:
Post a Comment