
Waxaa la Ogaysiinayaa dhamaan bulshaweynta Reer Somaliland ee ku nool Caasimada dalka Canada ee Ottawa in la qaban doono xaflada balaadhan oo lagu taageerayo Midnimada Somaliland.
Xafladaas oo ah mid si weyn looga soo sheqeeyay ayaa waxa la qorsheeyay inay noqoto mida balaadhan oo isugu jiri doonta qaybo badan sida:
Cambaarayta waxa loogu yeedhay “Awdal State”
Hadalo isugu jira taariikh iyo wadaninimo oo ay ka soo jeedin doonaan dad gaar ah oo loo qoondeeyay madasha xaflada. Fanaaniin dhawr ah oo uu hogaaminayo heesaaga wayn ee dadku xiiseeyaan Cabdilaahi Boqol Cunto si wanaagsan looga soo sheqeeyay Warbaahinta xorta ah ee laga daawado daafaha dunida oo goobjoog ka noqon doonta si looga daawado dunida dhamaanteed gaar ahaan dhulkii hooyo. Hadaba xafladaas oo ah mid u furan muwaadin kasta oo reer Somaliland ah ayaa noqonaysa mid bilaa lacag lagu soo galayo inkasta oo dadka loo qoondeeyay cuntada ay noqonayso ilaa 300 oo qof.
Sidaa daraadeed shacabweynaha waxaan ka codsanaynaa in la dhawro wakhtiga iyo nabadgelyada
Balanteenuna waa habeenka jimcaha ee bishu tahay:
250 Sommerset St Eeast
Ottawa, Canada
16 December
Time: 6:00 PM– 2:00 AM
Allaa Mahad Leh
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment