04 December, 2011

Aabihii askarigii lagu dilay yagoori oo beeniyey war ay warbaahinta siiyeen.....


Aabihii askarigii lagu dilay yagoori oo beeniyey war ay warbaahinta siiyeen wasiirka ganacsiga iyo taliyaha ciidanka qaranka SL.


Hargysa-Aabaha askarigii lagu dilay magaalada Yagoori todobaadkii ina soo dhaafay Mr.cabdilaahi Jaamac Calas ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warkii uu warbaahinta ka sii daayey taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Taani oo ahaa in inanakiisa oo ahaa askarigii lagu dilay magaalada Yagoori uu ka tirsanaa ciidanka booliiska Somaliland iyo weliba war kale oo wasiirka ganacsigu sheegay.

Mr.Cabdilaahi Jaamac Calas aabaha askarigii lagu dialy Yagoori wuxuu sheegay in inanakiisu ka tirsanaa ciidanka qaranka ee degan jiida Sool ilaaliyena u ahaa taliyaha aagaas Ina Canbaashe oo ay madaxweyne Siilaanyo isku qoys yihiin balse aanay waxba ka jirin warkii uu warbaahinta ka sheegay taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Nuux Taani ee ahaa in inankaygu ciidanka booliiska Somaliland ka tirsan yahay.

Mr.Cabdilaahi Calas wuxuu kaloo daaha ka rogay in warkii uu warbaahinta ka sii daayey wasiirka ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ahaa in qoyska askarigii la dilay ka soo jeedo iyo xukumada Siilaanyo ka heshiiyeen mashaqadaasi dilka go'aana ka gaadheen aanay waxba ka jirin,wuxuuna ku tilmaamay hadalka wasiirka been aan sal iyo raad toona lahayn.

Mr.Calas aabaha wiilka la dilay wuxuu sheegay in beeshiisu go'aan gaadhay kuna tashatey inaanay wax wada hadala u furin cidna ilaa inta la soo qabanaayo lana soo gacan gelinaayo gacan ku dhiiglihii inanakiisa dilay oo uu tilmaamay inaan la ogayn meelu ku sugan yahay,wuxuu intaas ku daray aabaha inanaka dhalay inuu qadiyadan kala hadlaayo madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa madaxtooyada Xirsi Cali oo ay aabaha inanka dhalay hore isu arkeen.

Mr.Calas wuxuu sheegay in weftigii xukumada ka socday ee loo diray xalinta mashaqadii ka dhacday Yagoori ee inankiisana lagu dilay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsiga Somaliland Cabdirasaaq khaliif iyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Taani aanay ahayn dadkii ku haboonaa ee arinta soo afjari lahaa amaba dhamayn lahaa balse ay yihiin siyaasiyiin madax kutiyeysan oo si kale wax u wada.

No comments: