Aabaha Dhalay Wiilkii Boolisku Ku Dileen Dhakhtarta Jajabka Hargeysa Oo Cabasho Ka Muujiyey Dawlada Hoose Oo Doonaysa Inay Ka Rarto Goobtii Wiilkiisu Ku Dhintay Iyo Fariintiisa Xukuumadda.
Hargeysa (Ramaas) Dec 19,2011 – Aabaha dhalay wiilkii dhawaanta ciidamadda boolisku ku toogteen dhakhtarta Jajabka ee duleedka dhakhtarta weyn ee Hargeysa Iid Ibraahim Cabdi ayaa cabsho ka muujiyey dhaqdhaqaaqyo dawlada hoose ku doonayso inay kaga rarto goobtii inankiisu ku dhintay oo uu ilaa hadda degan yahay.
Odey Iid oo ah nin da' ah isla-markaana naafo ah ayaa sheegay in xukumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo hore balan-qaad ugu samaysay ka dib markii inankiisu dhintay aanay ilaa hadda wax muuqda u qaban, balse ay balan-qaadyo afka ah u samaysay, isaga oo tilmaamay in xitaa qof kaliya oo dhinaca xukuumadda ka socdaa aanu tacsi ugu iman iyadda oo geeridii wiilkisa laga joogo muddo 150 maalmood ah sida uu sheegay.
Iid Ibraahim Cabdi waxa uu ku hanjabay inuu talaabo qaadi doono haddii dawladu ka dhago-adeygto inay wax ka qabato geeridii wiilkiisa, isaga oo xusay inuu doonan doono cida uu ku tuhmayo inay sabab u ahayd geerida Wiilkiisa.
Odey Iid oo maanta Warbaahinta ugu waramay halka uu degan yahay ayaa sheegay "Anigu waxaan ahay ninkii wiilkiisa dawladu madaxa ka toogatay, walina waxaan fadhiyaa halkii inankayga lagu toogtay, waxaana ka soo wareegtay maalintii inankayga la toogtay 150 maalmood, ilaa haddana dawladu waxa ay ii qabatay iyo cid iga soo ag-wareegtay ma jirto." Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Anigeygii dulmanaa ayaa laba jeer u baryo tagay oo idhi arintaydii wax laga qabto, laakiin wax aan ahayn balan-qaad aan qoraal lahayn kama hayo ima soo siin."
Iid Ibraahim Cabdi waxa uu baaq iyo digniin u diray xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo "Markaa waxaan dawlada ugu baaqayaa uguna digayaa inayna sidaas ii daawan ee dhibkii la ii geystay wax laga qabto, haddii kale isku dhac-baa imanaya, aniguna cidii dawlada ah ee aan dilkii inankeyga u aaneynayo ayaan doonanayaa oo aan qabsanayaa" ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey "Dawladu balan-qaadkii ay ii samaysay may fulin oo ilaa aaskii inankeyga anigaa bixiyay, cid halkaa iigu timid oo xitaa isoo tacsiyadeysay ma jirto, markaa maxaa dhacdadii Seemaal lagaag daalayaa tii Madaxtooyadda 12-ka talaabo u jiray ayaa la dhamayn kari waayee."
Iid Ibraahim Cabdi waxa uu cabasho ka muujiyey dawlada hoose oo doonaysa inay ka rarto halka uu degan yahay ee hore inankiisa loogu dilay "Iyada oo dhibkaasi la ii geystay inankeygiina maqan yahay oo aan gar iyo garowsho midna la iga marin ayaa haddana la igu soo weeraray meeshii inankeygu ku dhintay oo nimankii meesha dhisayey igu yidhaahdeen meesha iskaga bax haddii kale waanu kugu duminaynaa, markaa taasina waa gef kale oo la igula kacayo."ayuu yidhi odey Iid.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
No comments:
Post a Comment