19 November, 2011

Telefishanka Qaranka Oo Noqday TV-ga Loogu Daawasho Badan yahay


Telefishanka Qaranka Oo Noqday TV-ga Loogu Daawasho Badan yahay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Cilmi-baadhis aad u ballaadhan oo taabanaysa dhammaan dhinacyada nolosha bini’aadamka, ayaa hay’adda caalamiga ah ee dalka Maraykanka ee IRI ka diyaarisay shacabka reer Somaliland eek u dhaqan gobolka Maroodi-jeex.
Cilmi-baadhistan oo laga hirgeliyey dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Maroodi-jeex ee kala ah Farowayne, Gacan-liabax, Dara-salaam, Sabowanaag, Cadaadlay, Dacar-Budhuq, Axmed Dhagax, Ibrahim Kodbur, Maxamuud Haybe iyo 26-ka June, waxa waraysiyo laga qaaday 600 qof oo qaybaha bulshada ka kooban iyo 963 guri oo lala xidhiidhay oo isugu jira miyi iyo magaalaba, kuwaas oo la waydiiyey in ka badan 70 su’aalood oo ku tacaluqa arrimo aad u badan oo ay ka mid yihiin qadiyadda Somaliland, horumarka, dariiqa dalku ku socdo, asbaabaha haddii uu hannaanka saxda ah ama mid khaldan ku socdo, waxyaabaha ugu horreeya ee Somaliland dib u celin kara, heerka ammaanka, nolosha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha bulshada, adeegyada dawladda looga baahan yahay, sida dawladdan hadda talada haysaa u shaqayso, dhibaatada ugu wayn ee wakhti xaadirkan haysta Somaliland, warbaahinta iyo goobaha xogta laga helo, siyaasadda iyo xisbiyada qaranka iyo taageerada shacabku u hayo, Baarlamanka iyo hanka dadku u hayo iyo qodobo kale oo badan.

Daraasaddan ay qaaday hay’adda IRI oo la sameeyey intii u dhaxaysay 28 bishii September ilaa 08-dii bishii October ee sannadkan 2011 waxa fuliyey ururka cilmi-baadhita ee DARS oo ay kormeeraysay hay’adda IRI, isla markaana waxa habeeyey oo isku-dubariday ururka kale ee ORB, waxa ka soo baxday in dadweynuhu aad ugu hanwayn yihiin mustaqbalkooda, sidoo kalena taageero ballaadhan u hayaan Madaxweynaha talada haya iyo dawladiisa, balse waxa ka muuqata in dhinaca baahiyaha shacabka aanay dawladdu waxba ka qabanayn.

Cilmi-baadhita oo aad u dheerayd, isla markaana ku qornayd luuqada Ingiriiska waxa Wargeyska Jamhuuriya halkan akhristayaashiisa ugu soo koobayaa inta ugu muhiimsan ee aannu ka soo xulnay;

Su’aashii u horreysay ee dadweynaha cilmi-baadhista lagu waraystay la waydiiyey waxay ahayd, sidee ayaa u aragtaa inuu noqonayo mustaqbalkaagu Somaliland dhexdeeda? Waxaanay 81% dadku ku jawaabeen in mustaqbalkoodu yahay sida dharaarta u ifayo.

Dadweynaha waxa la waydiiyey in arrimaha Somaliland sare u kaceen sannadkii la soo dhaafay, isla markaana dalku dariiqii saxda ahaa hayo, waxa 74% dadka mid ahi sheegeen in arrimuhu sare u kaceen, halka 89% ku jawaabeen in dalku dariiqa saxda ah hayo, dariiqaas waxa 43% sheegeen in dawladdu hoggaanka u hayso, halka 28% kalena xuseen in Madaxweynuhu masuul ka yahay.

Mar la waydiiyey heerka ammaanka goobta qofku ku nool yahay, dadku 95% waxay ku raaceen inay ammaan sugan tahay goobta ay ku nool yihiin, isla markaana aanay jirin wax cabsi ah oo ay qabaan. Waxa kale oo shacabka la waraystay rajo fiican ka muujiyeen in dhaqaalahoodu kobco sannadka soo socda iyagoo 89% arrintaa isku raaceen.

Cilmi-baadhistu waxay tilmaantay in badi dadka la waraystay saluugsan yihiin sida dawladdu uga hawlgasho fulinta baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka, waxaanna sidaasi sheegay 40% ka mid ah, waxayse taageereen sida dawladdu u wado adeegyada waxbarasho, la-dagaalanka dambiyada iyo maamulka dhaqaalaha. Sidoo kale, waxay dhaliileen qaabka dawladda hoose uga shaqayso dhibaatooyinka dadweynaha taas oo 73% ka mid ahi ku sheegeen in aanay arag iyadoo dawladda hoose si fiican u fulinaysa.

‘Waa maxay shayga ama dhibaatada ugu muhiimsan ee Somaliland wakhti-xaadirkan haystaa? Ayaa cilmi-baadhistu su’aashay ka qaybgalayaasha, waxaanna 47% ka mid ahi ku jawaabeen in dhibaatada ugu wayni tahay ictiraaf la’aan, halka 16% kale sheegeen in dhibaatadu tahay shaqo la’aan.

Dhinaca kale, daraasaddu waxay shacabka wax ka waydiisay warbaahinta iyo sida way ula socdaan wararka, waxaannay dadku isku raaceen inay aad u xiiseeyaan wararka dalka ee la xidhiidha dawladda, siyaasadda iyo dhacdooyinka caadiga ah, kuwaas oo 46% ka mid ahi sheegeen inay kala socdaan telefishannada, 38% kalena idaacadaha, halka 8% ay ka akhristaan.

Cilmi-baadhistu waxay la waraystayaasha waydiisay qof walba hay’adda warbaahineed ee uu si gaar ah ugu xidhan yahay ee uu warka ka helo? Su’aashaas waxa 23% ka mid ah oo sheegeen inay kala si gaar ah warka uga helaan telefishanka Qaranka ee dawladda, 22% kale waxay tilmaameen telefishanka madaxabannaan ee HCTV, 18% BBC, 17% Radio Hargeysa, 5% VOA, halka dhinaca saxaafadda qoraalka ah wargayska Jamhuuriya uu noqday ka ugu akhriska badan wargeysyada dalka ka soo baxa oo 3% ka mid ah dadweynahaasi sheegeen inay xogta ka helaan, halka wargeyska Geeska Afrika galay kaalinta labaad oo 2% dadka aftida la qaaday ay sheegeen inay akhristaan, wargeysyada Saxansaxo iyo Haatuf, ayaa iyaga cilmi-baadhistu caddaysay in 1% ay dadku akhristaan.

Waxa kale oo cilmi-baadhistani dadka weydiisay xisbiyada siyaasadda ee doorashadii madaxtooyadda ka qaybgalay in tiradoodu badan tahay, inay yar yihiin iyo inay tirada saxda ah ee xisbiyada dalku u baahan yihiin, 64% dadka wax la weydiiyey waxay ku jawaabeen in tirada xisbiyadu yihiin kuwii saxda ahaa ee loo baahnaa, halka 23% ay yidhaahdeen aad bay u yaryihiin tirada xisbiyadu, halka 11% ay ka sheegeen in xisbiyadu badan yihiin. Dhinaca kale waxa dadka wax la weydiiyey 64% oo ka mid ahi waxay sheegeen inay taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, 19% ay taageersan yihiin UDUB, halka 15% UCID yihiin.

Mar daraasaddu dadka waydiisay NGO-ga ugu caansan Somaliland? Waxa 77% ku jawaabeen in ururka HAVOYOCO ugu caansan yahay, 69% waxay sheegeen NAGAAD, halka 66% xuseen inuu SONYO yahay.

Daraasadda oo ka hadlaysay su’aal dadka ay ka waydiisay sida ay u wada xidhiidhaan, waxa ka soo baxay in 62% dadku xafiisyada tagaan, 14% telefoono ayey ku wada xidhiidhaan, 3% shabakadda Facebook ee internetka, 3% kale waraaqo la qoro.

Geesta kale, cilmi-baadhistu waxay shacabka ay la xidhiidhay wax ka waydiisay Baarlamankii ay soo doorteen iyo sida ay u taageersan yihiin, waxaanna la waydiiyey ‘lixdii bilood ee ugu dambeeyey ma aragtay, ma akhriday ama ma dhegaysatay wax ku saabsan Baarlamanka Somaliland? Su’aashaas 34% ka mid ah dadku waxay ku jawaabeen maya, halka 15% kalena sheegeen inay waxyar ka ogyihiin.

Waxa kale oo la su’aalay, ‘marna ma la xidhiidhay xubin Baarlamanka ka tirsan adiga oo kala hadlaya arrin muhiim u ah adiga ama bulshadaada? Waxaannay 88% ku jawaabeen maya.

Su’aashii ugu dambaysay daraasadda hay’adda IRI samaysay ee la waydiiyey dadweynaha la waraystay waxay ahayd ‘haddii doorashada Baarlamanka maanta la qaban lahaa xisbigee ayaad u coddayn lahayd? Waxa dadka 55% ku jawaabeen inay KULMIYE u coddayn lahaayeen, 16% UDUB, halka 15% kalena sheegeen UCID, 5% ururrada siyaasadda ee kale, iyadoo 9% sheegeen in aanay garayn cidda ay u coddaynayaan.
Xigasho Wargeyska Jamhuuriya

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: