15 November, 2011

Sharci Jebinta Ku Hoos Qarsoon Go’aanka Wakiiladu Ku Laaleen Diiwaangalintii


Sharci Jebinta Ku Hoos Qarsoon Go’aanka Wakiiladu Ku Laaleen Diiwaangalintii Iyo Xeer Lr 37 Oo Xaaraantimeeyay In Doorashooyin Bilaa Diiwaangalin Ah Dalka Laga Qabto

 “Waxa Loo Adeegsanayaa Doorasho Kasta Oo S/land Laga Qabanayo Nidaamka Codbixiyayaashu Diiwaangashan Yihiin” Xeerka Diiwaangalinta Codbixiyayaasha
Hargeysa, November 15, 2011 (Haatuf) - Go’aanka golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangalintii codbixiyayaasha Somaliland ee lagu galay dorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-June 2010-kii, kuna go’aamiyeen in doorashada golayaasha deegaanka lagu galo bilaa diiwaan galin oo xeerka diiwaan galinta  codbixiyayaasha xeer lambar 27 2007 ee dhaqan galka ahi xaaraantimaynayo in dalka  laga qabto  doorasho aan codbixiyayaashu diiwaan gashanayn kaasoo qodobka 128 aad ee distoorka qarankeena iyo xeerka dalka uyaalaa waxbakama jiraan yihiin , xeerkaasi diiwaangalinta codbixiyayaasha waxkabedel iyo kaabis lagu sameeyo  xeer  lamb 37 2007 ee golayaasha sharci dejintu ansixiyeen, islamarkaana madaxweynuhu digreeto  dhaqangal ah ku sexeexay   2009kii ,  oo aanu jirin wax kabedel  kale oo lagu sameeyay xeerkaasi dhaqan galka ah ee diiwaan gelinta ayaa isagu gabi ahaanba soo afjaray doorasho  diiwaan galin la aan ah  oo dalka laga qabto .

Qodobka 41aad ee xeerka diiwaan gelinta codbixiyayaasha xeer lr 37 /2007 ayaa udhigan sidan:-
Qodobka 41aad ee xeerkani  waxa uu nasaqayaa ama burinayaa dhamaan qodobada xeerkan ka hor imanaya ee kujiray xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada xeer lr 20/2001, dhamaantood waa la nasakhay waana la badalay, waxaana la waafajiyay xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha, qodobada kala ah qodobka 5aad, 6aad, 28aad, 37aad, 39aad, 45aad, 47aad, 51aad, 54aad, 55aad, 56aad, 57aad, 58aad.
Waxka badalka iyo kaabista xeerkaa doorashooyinka golayaasha deegaanada iyo Madaxtooyada  xeer lr 20/2001 lagu sameeyay ee dhaqangalka ah, oo lagu kordhiyay xilligaasi qodobka 66aad ayaa isagu u qoran (wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay xeer lr 20 waxa loo adeegsanayaa doorasho kasta oo codbixiyayaashu diiwaangashan yihiin oo laga qabto dalka Jamhuuriyada Somaliland).

Wax ka badalka xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka lagu sameeyay 2009-kii ee dhaqangalka ah, ayaa sharci daro ka dhigaya in doorasho diiwaangalin la’aan ah laga qabto dalka, kaas oo digreetadii Madaxweynuhu ku dhaqangaliyayna waxka badalka xeer Lr 20 lambarkeedu ahaa D/91/207/2007.
Hadaba maadaama xeerkaasi diiwaangalinta codbixiyayaasha xeer lr 37/2007 qayrul sharci ku tilmaamayo in doorashooyin bilaa diiwaangalin ah dalka laga qabto, go’aanka ay golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangalintii codbixiyayaasha ee ay ku go’aamiyeen in bilaa diiwaangalin lagu galo doorashada deegaanada sharciyada ay u cuskadeen go’aankoodaasi xagay ka keeneen, maadaama aanu jirin wax ka badal iyo kaabis ay ku sameeyeen sharcigii hore, oo golaha guurtida ay u gudbiyeen sida sharcigu dhigayo, mashruucyad sharci ee wax ka badalka iyo kaabista ay ku sameeyeen, hase yeeshee golaha wakiilada ayaan iyagu go’aan aan sharciyada waafaqsanayn deedifeeyay xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha.
Go’aankan wakiilada oo sharci jabin ku ah xeer Lr. 20/2009 iyo xeer lr 37/2007 ee dhaqan galka ah, ayaa isagu ahaa arrimhii Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale iyo komishankii hore ee doorashooyinka lagaga soo oogay dacwadii maamuus ka xayuubinta, ka dib markii ay ka hor yimaadeen in diiwaangalinta lagu soo daro. 


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: