08 November, 2011

Madaxda Reer Galbeedku Markay Isku Kaliyaystaan Maxay Ku Wada Hadlaan

Madaxda Reer Galbeedku Markay Isku Kaliyaystaan Maxay Ku Wada Hadlaan



markaad akhridid maqaalkan waxaa niyadada kusoo dhacaysa Ayaad qur,aan ah oo alle subxaanahu wa tacalaa uu ku leeyay…..Waxaad umalaynaysaan galaadu in ay isku duuban yihiin laakiin qalbigoodu wuu kala daadsanyay

Hadaba Maalmahan waxaa saxaafada reer galbeedka haystay hadal xan ah oo uu madaxwaynaha faransiisku ku xantay Ra,isal wasaaraha Israil kadib markii ay shir ku lahayeeen magaalo ku taaala koonfurta faransiiska halkaas oo ay ku kulmeed dawlado gaadhaya 20 oo ka hadlaayay dhaqaalaha aduunka

Hadaa Madaxwaynaha Faransiis oo ahaa kii marti qaaaday shirkan ayaa isagoo la fadhiya madaxwaynaha maraykanka Obama ayaa waxay arkeen Ra,isal wasaaaraha Israil oo kusoo socda si uu ula hadlo iyaga, kadib Zarkozy ayaa Obama hadal hoos ugu dhigay kuna yidhi ” Beenalihii ayaa soo socda , ma rabo in aan arko ninkaas benaalaha ah , beentiisii ayaan ka daalay ” isagoo ujeeda Ra,isal wasaaraha Israil

Obama ayaa isla markiiba uga jawaabay hadalkii Zarkozy , waxanu ku yidhi ” adigu ninkas waad ka quusatay se anigu maalin kasta waanu wada shaqaynaa, oo makala dhamaano ”

Hadaba Madaxwanaha Faransiisku muu filanaynin in la maqlaayo hadalkan se waxaa ag joogay 2 nin oo saxafiyiin ah kuwii ayaa isla markiiba hadalii weeleeyay sidiina saxaafada ay kusoo qoreeen

Hadalkaasi ad ayuu udhibay Ra,isal wasaarihii yahuuda ilaa imikana wax jawab ah kamuu bixin hadalkaas isaga ah .

Dahir shaaami
Togaherer

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: