“Miisaaniyaddu waxay noqon doontaa illaa 80 Malyan, nimankii saadaasha xun wadayoow sidaasi ku abshira”
Hargeysa - Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay miisaaniyad sanadeedka qaranka sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka ay gaadh siin doonaan Illaa Sideetan Milyan oo Dollar, halka ay markii hore ahayd Konton Malyan.
Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay maanta tababar Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa loogu soo gabo-gabeeyay 50 Suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka oo ay fulintiisa wada jir iskaga kaashadeen Komishanka Maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa iyo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kaasi oo sadexdii maalmood ee uu socday lagaga falan-qeeyay kaalinta warbaahintu ka qaadan karto maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Wasiirka Maaliyaddu wuxuu ku booriyay Komishanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa inay hawshooda shaqo ka bilaabaan wasaaradiisa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ha’yada maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa waxaan leeyahay malaa halkii aad ka bilaabi lahaydeen la dagaalanka Musuqmaasuqu waa wasaaradda Maaliyadda.
Waxaan leeyahay way naga habsaameen, baahi weyn ayaanu u qabnaa dagaalanka musuqmaasuquna wuxuu leeyahay meelo laga bilaabo oo ah meelaha adduunku (kharashku) yaalo.”
“Waxaan idin leeyahay noo kaalaya oo aan isla eegno halka ay wax ka xun yihiin, waxa la idiinka baahan yahay Ha’yad ahaan inaad daba socotaan dawladda halka ugu sareysa illaa halka u hooseysa,”ayuu yidhi Wasiirku.
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ku dooday in musuqmaasuqu uu midabo badan yahay oo aan lala dagaalami Karin haddii aan shaqaalaha iyo ciidammadda qaranka la siinin mushahar ay ku noolaan karaan iyaga iyo xaasaskoodu.
“Markii aanu shaqaalihii iyo ciidamaddii 100% u kordhinay ee aanu siinay bilihii ka maqnaana, waxa jaraa’idka qaarkood qoreen tallow halkee ayaa laga keenayaa?, waxay ka dhigeen oo dadkii u tuseen inaanu wax beena sheegayno,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyddu, waxaanu intaasi raaciyay “Dalkeenu wuu dihin yahay, dal dihinna waa in shaqooyin laga abuuraa markaa mushahar kordhintii aanu ku dhawaaqnay waanu ku guulaysanay hirgelintoodiisa.”
Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay inay kordhin doonaan miisaaniyad saneedka dawladda ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2012-ka “Waxaan idiin sheegaynaa sanadkani marka uu dhammaado in Miisaaniyaddu noqon doonto illaa 80 Malyan oo Dollar halkii ay markii hore ka ahayd 50 malyan. Markaa nimankii saadaasha xun wadayoow sidaasi ku abshira,”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.
Wasiirku wuxuu sheegay inay sanadkan sii galbanaya ay mushahar u qoreen 1500 oo macalin oo aan mushahar qaadan jirin, waxaanu balan qaaday inay sanadkan fooda inagu soo hayana ay mushahar u qori doonaan laba kun macalin oo kale.
Wasiirka maaliyaddu wuxuu soo dhaweeyay tababarkan ay iska kaashadeen komishanka maamul wanaaga iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaanu ku tilmaamay mid ka mid ah wacyigelinta loo baahan yahay.
Maxamed Xaashi waxa uu saxaafadda u soo jeediyay inay baadhaan xaqiiqda wararka ay qorayaan isla markaana ummadda ku tacliimiyaan wadaniyada iyo bixinta cashuuraha ku waajibay hantidooda.
Sidoo kale, waxa tababarkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaagga iyo ladagaalanka Musuqmaasuqa Md. Axmed Muxumed Madar, waxaanu sheegay inay tababarkan qeyb ka yahay iskaashi balaadhan oo komishankaasi uu la yeelan doono saxaafada kala duwan ee Somaliland.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tababarkan ay uga dan lahaayeen inay saxaafadu ku baraarugto sidii ay kaalin uga qaadan lahayd toosinta nidaamka dawladnimo iyo maamul wanaaga Somaliland doonayso inay hirgeliso.
Axmed Muxumed Madar waxa uu u soo jeediyay suxufiyiintii tababarkaasi ka qeyb galay in ay ku camal falaan macluumaadkii ay ka heleen tababarkan sadexda cisho u socday.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay oo dar daaran dheer u jeediyay Suxufiyiinta Xoghayaha guud ee ururka SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed Faarax, Macalinkii tababarka bixinayay Faysal Maxamed Cabdi (Fadhfadhle), Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) iyo MM. Kastam oo ah suxufiyiinta waaweyn ee dalka.
No comments:
Post a Comment