06 November, 2011

HAMBALYADA CIIDA EE MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND



HAMBALYADA CIIDA EE MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Soomalilaand debed iyo gudaba isagoo manta ciida ku ciiday London, waxuu u rajaynayaa xujayda sanadkan waajibaadkooda gudatay in Alle ka aqbalo, nabad iyo caafimaadna ay ku soo gurya noqdaan, dhammaanteena in Alle inaga ajiibo ducooyinka inagana yeelo kuwa uu karamada maalintan uu naarta ka xoreeyey. Waxa Madaxweynahu u rajaynayaa dhammaan qoomiyadda Soomaaliyeed iyo ummadda islaamka ee kale ciid barakaysan, barwaaqaysan oo nabdoon.

 Ciid Mubarak dhammaan iyo soo noqoshada ciida oo badan inagoo nabad ah, barwaaqaysan oo hiigsanayna horumar iyo horusocd kheyr badan. Amiin.



Mr. Ahmed Hassan Arwo
002522 409 64 21
UK 07 904020 679
La-taliyha Madaxweynha Somaliland
Arrimaha Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: