07 November, 2011

3 Qof Oo Ku Dhintay Iska Horimaad Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo

3 Qof Oo Ku Dhintay Iska Horimaad Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo

Xubnaha gudida xukuumadu u xil saartay xalinta shaqaaqooyinka Gobolka Sanaag ee shirkaas lagu soo weeraray waxay kala ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Mud. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Mud. Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) kuwaas oo ka soo jeeda beelaha Dhulbante.
Sedexda qof ee falkan weerarka ah ku dhintay ayaa kala ahaa 2 askari oo ka tirsan ciidanka qaranka iyo gabadh rayid ah oo halkaas maraysay, waxa kale oo falkaasi ku dhaawacmay 4 askari oo ka tirsan ciidanka qaranka.
Ciidanka Qaranku waxay gacanta ku soo dhigeen 5 ka mid ah dablaydii falkan gaysatay.
Kooxdan weerarka soo qaaday ayaa ciidanka qaranka ka soo rasaasaynayay mudo 2 saac ka badan daaqadaha qaar ka mid ah guryo ku yaalay magaalada Ceerigaabo.
Wasiirka Arimaha Gudaha Mud. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo hogaaminayay waftiga uu kusimaha madaxwaynaha Somaliland ahna Madaxwayne ku Xigeenka Mud. Cabdiraxmaan Saylici u magacaabay daminta iyo xal u helida shaqaaqooyinka gobolka Sanaag, ayaa galabta shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Ceerigaabo ku sheegay in ciidamada qaranku ay dhirbaaxo kulul ku dhufan doonaan wax uu ku tilmaamay dadka nabad-diid ah ee carqaladaynaya amaanka gobolka Sanaag.
Wasiirku waxa uu sheegay in aanay dhacdadani ka hor istaagi doonin sii ambo qaadka heshiisiinta iyo xalinta beelaha walaalaha ah.

No comments: