10 October, 2011

Xubnaha Kulmiye Ee Geediga U Ah Digo-Rogashada Iyo Ururada Cusub Oo Faro Baas Ku Haya

Liiska Siyaasiyiinta Axsaabta U Kala Guur-Guuraya, Xubnaha Kulmiye Ee Geediga U Ah  Digo-Rogashada Iyo Ururada Cusub Oo Faro Baas Ku Haya Wakiilada Saddexda Xisbi
HAATUF

Akhrtistayaal waxaanu halkii idiinka sii amba-qaadi doonaa, qaybtii 14aad ee barnmaamijka liiska siyaasiyiinta ururada cusub ee axsaabta uga soo kala guur-guuraya xisbiyadoodii hore ee laga soo doortay ama ay ka tirsamnaayeen, iyadoo wakhtigan xaadirka ah 82-kii xildhibaan ee laga soo kala doortay saddexda xisbi qaran ee hore u jiray ee Kulmiye, Ucid iyo Udub ay bilaabeen geediga ay ugu dogo roganayaan ururada cusub ee lagu dhawaaqay, kuwaas oo saamayn ku yeesheen ururada cusubi 21kii Mudane ee laga soo doortay xisbiga Ucid oo 19-ka mid ahi ay u digo rogteen urur siyaasadeedka  WADANI ee todobaadkii hore lagu dhawaaqay.

Golaha wakiilada Somaliland oo lagu soo doortay doorashadii wakiilada ee dalka ka qabsoontay 29-kii September 2005-kii, oo muddadii xilka sharciyada shanta sanadood ay ka dhamaatay dabayaaqadii 2009-kii, islamarkaana wakhtigan xaadirka ah ku guda-jira sanadkii labaad ee muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen September 2009-kii, taas oo ahayd laba sano iyo sideed bilood ayaa hada waxa ku habsaday 82-kii xildhibaan ee saddexda xisbi laga soo kala doortay walaac ay kaga muujinayan mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiyadii laga soo doortay, maadaama ay ururo cusubi xisbiyadii hore u jiray ayaa doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filyo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sanadka 2012-ka.

In kastoo ilaa hada inta la ogyahay xildhibaanada xisbiga Udub laga soo doortay ee cadeeyay inay ka dogo-rogteen xisbigoodii ayaa waxa ka mid ah:-

Cali Xaaji Maxamed (Car i Barta) oo ka mid ahaa mudanayashii siyaasada Udub sida weyn uga difaaci jiray golahaasi, kaas oo ka mid ah wakiiladii laga soo doortay gobolka Togdheer gaar ahaan degmada Oodweyne, oo isagu sheegay inuu u digo rogtay urur siyaasadeedka Wadani.

Sidoo kale waxa jira mudanayaal kale oo kamid ah Kulmiye iyo Udub oo iyagana la hadal hayo in xisbiyadoodii ay uga dogo-rogayaan ururka Wadani shirweynaha ururkaasi, waxaana ka mid ah xubnaha loo tuhunsan yahay inay ka guuri doonaan Kulmiye, islamarkaana uga digo-rogan doonaan ururo cusub.

1: Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo Kulmiye Sool uga soo baxay oo aan isagu wali si rasmiya u cadaynin inuu u guuri doono ururada cusub, ayaa hadana waxa si weyn loo hadal hayaa in gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Ciro ururka wadani ee uu hogaamiyaha ka yahay ay hoosta ka wada socdaan, islamarkaana ka xidhiidhsan yihiin.

2: Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo kamid ah mudanayaasha Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Togdheer ayaa isaguna kamid ah wakiilada Kulmiye ee loo tuhunsan yahay inay geediga u yihiin ururada siyaasada ee cusub.

3: Md. C/raxmaan Yuusuf Cartan oo kamid ah mudanayaasha Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Sanaag ayaa la sheegay inuu ururka Wadani u guuri doono mustaqbalka dhaw.

4: Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo kamid ah wakiilada Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Hargeysa ayaa isaguna ka mid ah xubnaha laysla dhex marayo inuu Kulmiye uga digo rogan doono ururada Cusub.

5: Md. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah wakiilada Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Togdheer ayaa isagana lagu tirinayaa xubnaha Kulmiye uga ururada Cusub.

6: Md. Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah wakiilada Kulmiye ee laga soo doortay Sanaag, ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka guurayo xisbigiisii.

7: Md. Cali Maxamed Aadan (Cali-Barre) ee laga soo doortay gobolka Sanaag, oo isagu hore uga guuray Kulmiye ayaa ka mid ah xubnaha u hanqal taagaya ururada cusub.

8: Md. Maxamed Jaamac Cabdi oo kamid ah wakiilada Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Sool ayaa kamid ah wakiilada lagu goobaha siyaasada lagu falanqeeyo inuu uga digo rogayano ururada cusub.

La soco……

No comments: