Madaxweynaha Somaliland Oo ka Hadlay Mashaariicda laga fulin doono gobolka Togdheer
Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer kala hadlay fagaaraha khayriyada Burco.
Kumanaan qof ayaa weftiga madaxweynaha si diiran ugu soo dhaweeyay isla markaana u soo diyaar garoobay khudbada weftigiisa.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka khudbad ka hadlay waxa uu ka waramay socdaalkiisa iyo waxyaabihii xukuumadiisu qabatay waxaanu yidhi “Walaalayaal dadweynaha reer Burco ee Gobolka Togdheer waxaan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa sida aad noo soo dhawayseen Aniga (Madaxweynaha) iyo weftiga balaadhan ee qaranka waxaan ogahay inaad saaka oo dhan aad milic taagnaydeen taasina waxa weeye jacaylka aad u qabtaan dawladnimada iyo qaranimada. Walaalayaal waxaanu wax ka qabanay waxyaabo badan muddadii koobnayd ee aanu xilka haynay haddii ay tahay mushahar kordhintii Ciidamada, shaqaalaha iyo dhinaca waxbarashada.”
http://www.flickr.com//photos/24945908@N02/sets/72157627728341289/show/
“Walaalayaal si aanu Ciidamadda u dhiiri gelino waxa aanu booqanay Gobolka Sool oo aad iyo aad naloogu soo dhaweeyay, farxad weyna way noo ahayd inaanu ciidamada qaranka ee jiida hore ee wadanka daafaca booqano oo u mahad naqno oo aanu tusno si aanu u dhiiri gelino,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilanyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay dalka intiisa badan kormeer ku soo mareen qeybaha u hadhsana ay booqan doonaan.Madxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in gobolka Togdheer laga fulin doono mashaariic faro badan, waxaanu yidhi “Gobolkan Togdheer ee aan maanta joogno mashaariic badan baa laga fulin doonaa oo qorshaha noogu jira, qorsheyaashaasi waxa ka mid ah ceelal ay inoogu deeqeen Imaaraadka carabta, waxa kale oo ka mid ah Iskuulo badan oo la dhisi doono. Waxa kale oo la dhisi doonaa goobo caafimaad.”
“Wadadda u dhaxaysa Burco iyo Hargeysa dhismaheeda balan qaad baanu ka samaynay weftigii balaadhnaa ee ka socday Gudidii horumarinta Gobolka Togdheer ee Hargeysa noogu yimid ayaanu ka wada hadalay. Wadaddaasi oo aanu imikana soo aragnay inshaalaahu tacaalaa miisaaniyada soo socota ayaanu qeybo ka mid ah ku dari doonaa anagoo hubna in meel kasta ha joogeene’e dadweynaha gobolka Togdheer ee reer Somaliland ay iyaguna gacan ka geysan doonaan mar walbana horumarinta gacan ka geystaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Gobolka Togdheer ugu baaqay inay ilaaliyaan wad jirkooda, midnimadooda isla markaana ay ilaalinta nabadgelyada iska xil saaraan.
Waxa kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacbiga gobolka Togdheer ku ammaanay kaalintii ay ka geysteen isbedelkii dalka ka dhacay oo uu ku sifeeyay inay ka qaateen door horseednimo.
Muuse Biixi waxa uu sheegay in Magaalada Burco ay baal dahabiya kaga jirto sooyaalka taariikheed ee qaranimada Somaliland.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, Wasiirka xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali Iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi.
Weftiga Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray laba wado oo cusub oo ay dawlada hoose ee Burco ka hirgeliyeen magaalada iyo dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay wakaalada biyaha Burco.
waxa kale oo uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray jimciyadan mujaahidiinta ee Burco iyo Cisbitaalk guud ee magaalad Burco waxaanu xog waran ka dhegaystay maamulka cisbitaalka iyo bukaan jiifka cisbitaalkaasi.
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiiradda Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha, warfaafinta, Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiilada, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Xildhibaano iyo Maareeyaha Madbacada qaranka.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment