Saraakiil Sirdoonka Faransiiska Ka Tirsan Oo Diyaarad Milatari La Socday Oo Qarsoodi Ku Yimid Hargeysa Iyo Xubno Falal Argagixiso Qorshaynayey Oo Caasimada Lagu Qabtay
Hargeysa October 10, 2011 (Haatuf) - Diyaarad nooceedu yahay Helicopter oo ka mid ah diyaaradaha ciidanka Sirdoonka Faransiiska ayaa shalay soo cago dhigatay Madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, taas oo la sheegay in saraakiil sirdoonka Faransiisku ay la socdeen.
Ma jiro war rasmiya oo xukuumada Somaliland ay ka soo saartay saraakiisha sirdoonka Faransiiska ee diyaarada Milatar ee Madaarka Hargeysa soo fadhiistay ay siday, hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloola arrinta diyaaradaasi ayaa Haatuf u sheegay in diyaaradaasi ay la socdeen saraakiil sirdoonka Faransiiska ka tirsan una socday sirdoonka Somaliland, lana sheega in kulan gaar ah la yeesheen.
Waxa kale oo ilo-wareedyadu intaa ku darayaan in ujeedada saraakiisha Sirdoonka Faransiiska ee Hargeysa socdaalka ku yimid ay salka ku haysay arrimo la xidhiidha labadii xubnood ee ururka Alshabaab ay badhtamihii 2009-kii kaga afduubeen magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, oo tibaaxuhu sheegayaan in qaar ka mid ah Al-shabaab oo gacanta ku haya mid ka mid ah labadii sarkaal ee sirdoonka Faransiiska oo ku qafaalan Muqdisho, kooxdii qabaafalatay ee Al-shabaab qaar ka mid ah ay Ciidamada amaanka ee Somaliland ay gacanta ku dhigeen todobaadkii hore ay daba socdeen.
Hase yeeshee ilaa hada si rasmiya looma oga ujeedada dhabta ah ee saraakiisha sirdoonka Faransiisku ay shalay socdaalka qarsoodiga ah ugu yimaadeen Caasimada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay in isla shalay galab ay dib uga noqdeen Hargeysa saraakiisha sirdoonka Faransiisku.
Dhinaca kale Ciidamada amaanka Somaliland ayaa la sheegay in todobaadkii hore dabayaaqadiisii ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Alshabaab oo ka yimid Somalia, kuwaas oo qorshaynayay falal argagixiso oo ay ka fulin lahaayeen Caasimada dalka Hargeysa, iyagoo ciidamada amaanku ay daba gal ku hayeen ilaa wakhtigii ay dalka soo galeen. Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale hawlgalo ay ku sugayaan amaanka labadii todobaad ee ugu dambeeyay ka waday guud ahaanba dalka, gaar ahaana Caasimada Hargeysa.

No comments:
Post a Comment