Liiska 21-Kii Xildhibaan Ee Ucid Ugu Jiray Baarlamaanka Oo Ka Goostay Xisbigoodii, Xubnihii Ay Isku Beesha Ahaayeen Faysal Cali Waraabe Oo U Guuray Ururka Wadani Iyo Mudane Ka Xuub-Siibtay UDUB- HAATUF
Akhristayaal waxaanu halkii idiinka sii amba-qaadi doonaa qaybtii 14aad ee barnaamijka liiska siyaasiyiinta axsaabta u kala guur-guuraysa ee aanu sida taxanaha ah idiinku soo gudbino, kaas oo sidoo kale aanu idiinku soo bandhigno, isbadalka giraanta siyaasadeed ee Somaliland iyo mawduucyada xiisaha leh ee raadadka ku yeesha masraxyada siyaasada oo aanu idiin soo samayno.
Xisbiga UCID ayaa noqday xisbigii ugu horeeyay ee xildhibaanadii laga soo doortay ee golaha Wakiiladu ugu jiray ay saamayn ku yeesheen ururada cusub ee siyaasada ee lagu dhawaaqay, kaas oo 21-kii Xildhibaan ee golaha Wakiilada uu ku lahaa UCID ay dhamaantood ka dareereen, isla markaana ay aqlabiyadoodu ku dhawaaqeen urur siyaasadeedka cusub ee Wadani oo shalay Hargeysa lagaga dhawaaqay, iyadoo xisbiga UCID uu 21-kii mudane ee wakiilada uu ku lahaa aanu jirin mudane kaliya oo xisbigaasi laga soo doortay oo ku hadhay, inkasta oo labada Mudane ee Khadar Aadan Xuseen (Khadat Ambasador) iyo Md Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo iyaguna ka mid ahaa mudanayaasha laga soo doortay UCID la sheegay in aanay ilaa hadda ku biirin ururka Wadani ee mudanayaashii UCID ku dhawaaqeen, sidoo kalena aan ku hadhin xisbigoodii meelna ku biirin.
Mudanayaasha ka guuray xisbiga Ucid ee laga soo doortay oo ay ku jireen labadii xildhibaan ee beesha gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe ugu jira wakiilada oo kala ah Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Mudane C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan dheere) ee ka guuray Ucid kuna biiray ururka cusub ee wadani, waxa ka mid ah:
1. Gudoomiyaha wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro), islamarkaana hada ah gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururka wadani.
2. Xuseen Maxamed Cige
3. Jaamac Xasan Aadan
4. C/qadir Askar
5. Bashiir Xuseen Tukaale
6. Xaashi Xuseen Caabi
7. Siciid Maxamed Cilmi
8. Ibraahim Mahdi Buubaa
9. Faarax Maxamuud Cabdulle
10. Naasir X. Cali Shire
11. Mahdi C/llaahi Maxamuud
12. Axmed Maxamed Beegsi
13. Maxamed Cali Jibriil
14. Muuse Maxamed Ismaaciil
15. Maxamed Baaruud Shide
16. Maxamed Jaamac Cali
17. Maxamed Faarax Qabille
18. C/raxmaan Cismaan Caalin
20. Axmed Madar
Dhinaca kale waxa iyaguna markii ugu horaysay cadeeyay mawqifkooda mudanayaal ka tirsan xisbiga Udub, oo iyagu sheegay inay ka digo rogteen xisbigaasi, kuwaas oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Maxamed Muuse (Car I Barta) oo kamid ah mudanayaashii Udub ee laga soo doortay gobolka Togdheer, ayaa isna cadeeyay inuu ka baxay Udub kuna biiray xisbiga tadala haya ee Kulmiye.
La soco………
No comments:
Post a Comment