08 October, 2011

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Ka Reebida Oo Magaalada Hargeysa Ka Bilaabay Hawlgal




Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Ka Reebida Oo Magaalada Hargeysa Ka Bilaabay Hawlgal Ay Kula Dagaalamayaan Wiilasha Iyo Gabdhaha Isla Joogta Ah.

Hargeysa(Ramaas) Oct. 7, 2011- Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa Magaalada caasimada ah ee Hargeysa ka bilaabay hawlgal ay ku qabqabanayeen wiilasha iyo gabdhaha isla joogta ah ee gidaarada ku hasaawa wakhtiyada habeenki,kuwaas oo ku soo badanayay Magaalada sannadahan dambe.

Hawlgalka guddida oo soconayay habeenadan, ayaa si weyn looga dareemayay Magaalada, waxaana la sheegayaa in ay xabsiga u taxaabeen ilaa dhawr iyo toban dhalinyaro ah oo isugu jira wiila iyo gabdho,kuwaas oo laga soo qabtay xaafado kala duwan, laakiin intooda badan la sii daayay markii dambe, halka inta kalena weli la waydiinayo su’aalo.





Dadweynaha reer Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyay soo noqoshada guddidan, iyada oo qaar ka mida dadka ganacsatad ahi ay ugu deeqaan shidaal ay ku shaqeeyaan baabuurta ay isticmaalayaan ciidamada guddida, taasoo kor u qaaday niyada guddida.



Guddida wanaag farista ayaa shaqadoodu hakadgashay sannadkii 2006-dii ka dib markii qaar ka mida masuuliyiinta sare ee guddida lagu eedeeyay in gacan saar la lahaayeen Islaamiyiinta ka dagaalama dalka Soomaaliya, laakiin wakhtigan waxa la sheegayaa in laga xayiraadii ay saartay xukuumadii Madaxweyne Rayaale, iyaga oo si xawli ah ula dagaalamaya falalka dhaqan xumada ah oo Magaalada Hargeysa si weyn u saameeyay wakhtiyadan dambe, waxaana dib u fureen dhamaanba xafiisyadii ay ku lahaayeen gobolada iyo degmooyinka dalka.

















Ramaasnews Desk

Hargeisa.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: