06 October, 2011

Faadumo Qaasim Hillowle Oo Maanta Ku Xijaabatay Magaalada London.




Mid Ka Mida Hablihii Ugu Caansanaa Fanka Soomaalida Faadumo Qaasim Hillowle Oo Maanta Ku Xijaabatay Magaalada London.


London(Ramaas) Oct. 6, 2011- Fanaanadii caanka ahayd Faaduno Qaasim Hillowle ayaa maanta ku geeriyootay Magaalada London ee dalka Britain.

Marxuumad Faadumo ayaa xalay la dhigay cisbitaal ku yaala London ka dib markii uu asiibay xanuun ku soo boodo ahi, iyada oo fanaanadu ku dhawaad 20 sanno ay ku noolayd dalka Ingiriiska oo ay qaxoonti ahaan u gashay markii ay dagaalada sokeeye ka bilaabmeen dalka Soomaaliya.

Faadumo Qaasim Hillowle waxa ay ka mid ahayd kooxdii Waaberi oo dalka Soomaaliya , iyada oo ka mid ahayd gabdhihii ugu caansanaa fanka Soomaalida, isla markaana waxa ay qaaday heeso badan oo aad looga jecel yahay deegaamada Soomaalida ee gobolka Geeska Afrika.

Waxa ka mid ahayd mid ka mida caruurtii uu dhalay Marxuum Qaasim Hillowle oo caanku ahaa tumista muusiga, iyada oo ku biirtay koox faneed ay xubno ka ahaayeen dhalinyaro reer Banaadir ah, waxaana ay markii dambe noqotay hobolad caan baxday .

Fanaaniinta Soomaalida ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Faadumo Qaasim Hillowle,kuwaasoo Ilaahay uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadiina uu samir iimaan ka siiyo.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: