Muuqaalka ninka Faransiiska ee weli gacanta ugu jira Al-Shabaab
Hargeysa (RBC) Ciidamada maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin ka mid ahaa sida la sheegay raggii afduubay labo nin oo Faransiis ah oo ahaa khubaro militari kuwaasi oo 14-kii July 2009 laga afduubay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Warar ku dhow booliska Hargeysa saraakiil ka tirsan ayaa xaqiijiyey in ninkan la qabtay maalinimadii Sabtida xilli uu gaari ku soo galay magaalada Hargeysa isagoo qorsheynayey inuu u sii tallaabo meelo kale oo ka mid ah wadamada deriska lah Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkani la qabtay uu hore uga tirsanaa kooxdii burburtay ee Xisbul Islaam kuwaasi oo uu hogaamin jiray Xasan Daahir Aweys hase yeeshee markii dambe u xuubsiibtay kooxda Al-Shabaab.
Ninka la qabtay magaciisa lama shaacin, sidoo kale saraakiisha booliska Hargeysa waxay diideen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan ninka ay hayaan.
Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Faransiiska ee fadhigoodu yahay wadanka Jabuuti ayna la socdeen saraakiil sirdoon ah inay soo gaartay garoonka Hargeysa si su’aalo ay u weydiiyaan ninka boolisku ay qabteen.
Labada nin ee Faransiiska ah ee bishii July sanadkii 2009 laga afduubtay hotelka Saxafi oo ay deganaayeen ayaa mid ka mid ah wuxuu weli gacanta ugu jiraa kooxda Al-Shabaab halka kii labaadna oo ay qabsadeen kooxdii Xisbul Islaam laga qaatay lacag malaayiin doolar oo madaxfurasho oo lagu siidaayey.
Ninka weli ay heystaan Al-Shabaab ayaa cajalad muuqaal ah oo laga soo duubay waxay Al-Shabaab baahiyeen bishii June 2010, waxaana ninkaasi uu ku codsaday in siideyntiisa ay ku xiran tahay shuruudo ay ka mid yihiin in Faransiisku joojiyo taageerada DKMG Soomaaliya taasoo dawlada Faransiiska ay diiday.
RBC Radio
http://www.raxanreeb.com/?p=115040
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment