19 September, 2011

Wasiirka Arrimaha dibada SomalilandOo Khudbad ka jeediyay Jaamacada ...

Wasiirka Arrimaha dibada SomalilandOo Khudbad ka jeediyay Jaamacada Howard University

Washington (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayay Somaliland marxaladihii ay soo martay iyo wixii u qaboomay ka jeediyay Jaamacada Howard University ee dalka Maraykanka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, waxaanu u qornaa sidan:-

“Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo in muddo ah ku joogay socdaal Diplomaasiyadeed Cariga Maraykanka ayaa Kulamadiisii ku soo gabo-gabeeyey Muxaadaro uu ka jeediyey Jaamacadda Howard University oo ah Jaamacada ugu weyn ee African Amerikanku leeyihiin, kulankaas waxaa ka soo qayb galay Baadheyaal sare iyo Ardayda iyo dadwayne kale oo xiiseeya Arrimaha Somaliland.

Dadkii Madashaasi ka soo qayb-galay ayaa wax badan ka bartay Jamhuuriyada Somaliland iyo Guulaha ay ka gaadhay Dhismaha Dawladnimo iyo Horumarka ay ka gaadhay dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgalyada iyo Iskaashiga Caalamiga ahba.

Jaamacada Howard ayaa iyana dhinaceeda balan qaaday inay la shaqaynayso Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay sheegtay inay ogolaatay laba arday oo diyaarinaya Shahaadada sare ee PHD in ay ku takhasusaan barashada Wadanka Somaliland.

Dhinaca kale Wasiirku waxa uu kula kulmay Jaaliyada Somaliland ee Washington DC, Shirkan oo ay Jaaliyadu ku xogwaraysatay Wasiirka ayaa taabanayay Xaalada wadanka, guulaha iyo Dhibaatooyinka jiraba, waxaaanu wasiirku uga xog waramay ujeedada Safarkiisa uu ku yimid Maraykanka.

Safarkan Wasiirku ku tagay Cariga Maraykan ayaa ahaa kii ugu horeeyey inta xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hogaamiyo xilka ay haysay, waxaanu qayb ka yahay Dadaalka ay Xukuumadu ugu jirto ka midho dhalinta Himilada Shacabka Somaliland iyo Xaqiijinta Ictiraaf buuxa oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka hesho Quruumaha Aduunka.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: