18 September, 2011

Jaadlayaasha Somaliland Oo Kootarabaan Ahaan Maanta Jaadadkii Ku Galiyay

Jaadlayaasha Somaliland Oo Kootarabaan Ahaan Maanta Jaadadkii Ku Galiyay Dalka Iyo Wasaaradda Maaliyadda Oo Qayb Ka Mid Ah Xalay Xayirtay

Jaadlayaasha Itoobiya ka soo waarida Jaadka ayaa maanta Jaadadkii goboladda barriga Somaliland qaarkood ku galiyay gawaadhi Kootarabaan ah halka ay qaarna Diyaarado kaga qaadeen.

Sida ay Waaheen u sheegeen Ilo xogogaal u ah khilaaf ka dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Jaadlayaashu waxa in muddo ahba soo taagnaa qaabka loo miisaamo Jaadadka taasoo ay Jaadlayaashu u arkaan in culays dheeraad ah oo aan marka hore laga qaadi jirin la saarayo imika.

Waxa xalaya Kastamka Kalabaydh lagu xanibay gaadhi sida 60 baag oo Jaad ah kaasoo aan ilaa hada la ogayn inuu gubtay iyo inkale hase yeeshee Jaadadkii kale oo dhami waxa ay baal mareen Kastamkii.

Arrintan ayaa la sheegay haddii ay sii socoto inay Xukuumadda Somaliland ku waayi doonto Malaayiin Doolar oo maalin walba ka soo xaroon jiray Jaadkaasi oo ku dhici jiray Baanka Gabilay..

http://www.facebook.com/ssomalilander#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127

Wargeyska Waaheen http://samotalis.blogspot.com/

No comments: