19 September, 2011

Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Qodobada ay ku Naaqishayaan Ajandahooda 16-aad


Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Qodobada ay ku Naaqishayaan Ajandahooda 16-aad

Hargeysa (Somaliland.Org)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajandaha kalfadhigooda 16-aad ee kadib markii lagu sameeyay wax ka bedal iyo kaabis. Fadhiga oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C.laahi "Cir


Ajandahan kalfadhiga 16-aad ee Golaha wakiilada ayaa lagu ansixiyay 38 Mudane oo ogolaaday, waxaa diiday hal Mudane halka ay afar Xildhibaan ka aamuseen isla markaana aanu gudoomiyuhu codayn.

Qodobada ajandaha kalfadhigan ayaa ka kooban Warbixinta shirgudoonka iyo gudiyada golaha iyo mashaariicda sharci ee golaha horyaala waxaa kale oo ajanduhu xambaarsan yahay Laba iyo Toban qodob oo kala ah:-

1. Warbixinta Xisaab Xidhka dawlada ee 2010-ka

2. Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgalyada guud

3. Xeerka nabadgalyada wadooyinka

4. Xeerka biyaha

5. Xeerka iibka hilibka

6. Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka baanka

7. Xeerka baanka islaamka

8. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka

9. Wax ka bedelka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha

10. Xeerka Saxaafada

11. Xeerka Ciyaaraha

12. Xeerka Ciqaabta Guud

Waxaa kale oo intaas soo raaca Ansixinta Mas'uuliyiinta Qaranka, u Yeedhista Mas'uuliyiinta Qaranka iyo Wixii kale ee soo kordha

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: