09 September, 2011

Faadumo Siciid oo Maxkamadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Saaxil eedayn culusna u jeedisay Maareeyaha Dekadda iyo jawaabta uu ka bixiyay Ramaax…

Faadumo Siciid oo Maxkamadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Saaxil eedayn culusna u jeedisay Maareeyaha Dekadda iyo jawaabta uu ka bixiyay Ramaax…..

Faadumo Siciid oo Maxkamadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Saaxil eedayn culusna u jeedisay Maareeyaha Dekadda iyo jawaabta uu ka bixiyay Ramaax…..

Guddoomiyaha Guddigii Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera oo Badhasaabka Saaxil xilkaas ka fara-maroojiyey, Marwo Faadumo Siciid Ibraahin, ayaa shaaca ka qaadday inay Maxkamadda u gudbisay Dacwad ka dhan ah Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax). Waxaanay eedayn culus u jeedisay Maareeyaha Dekadda Berbera.

Faadumo Siciid oo maanta shir Jaraa'id ku qabatay Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, waxay Maareeyaha Dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir ku eedaysay inuu Meherado Ganacsi oo uu isagu gaar u leeyahay ka dhex furtay dhismaha Jaamacadda Berbera. Waxaanay tilmaantay inuu Jaamacaddaas albaabbada u laabay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Md. Ramaax. Waxa kale oo ay Faadumo Siciid shirkeedaa Jaraa'id kaga warrantay Jaamacaddaas sidii lagu aasaasay iyo qaabkii ay halkan ku soo gaadhsiiyeen.

Faadumo Siciid oo faahfaahin ka bixinaysa sidii ay ku timi in la hirgeliyo Jaamacadda Culuunta Badda ee magaalada Berbera, waxay tidhi; "Waxa aad iyo aad u nasiib-darro ah marka qofka Muwaaddinka ahi is-yidhaahdo gobolkii uu u dhashay wax u tar ama wax u kordhi, ka dib dadkii Masuuliyiinta ah ee dawladdu gobolka u igmatay ay u arkaan wax ay iyagu faro-maroojisan karaan iyaga oo wax alla wax sharci ah oo ay u adeegsadeen jirin."

"Jaamacadda Berbera hindiseheeda annaga oo dhawr qof ah ayaannu hindisnay, ka dibna waxaannu u tagnay dawladdii hore ee UDUB oo aannu nidhi waxaannu hindisnay inaannu Jaamacad Culuunta Badda lagu barto Berbera ka furno, idinkuna dawlad ahaan dhul iyo wixii kale ee aad nagu caawin kartaanba nagu caawisaan, markaa waxay yidhaahdeen annagu Dhul ma hayno ee Wasaaradda Kalluumaysiga u taga iyagaa dhul hayee, waanannu u tagnay oo Illaahay mahaddii dhulkii waannnu ku guulaysannay oo waa nala siiyey, ka dib waxaannu bilawnay inaannu Dhaqaale ururin ku samayno, dhaqaale ku filan inaannu dalka gudihiisa ka helno way nagu adkaatay, dabadeedna aniga oo jeebkayga isticmaalaya ayaan tigidh goostay oo aan tagay Ingiriiska, Holand, Denmark, Norway iyo meelo badan oo kale." Sidaa ayey tidhi Faadumo Siciid.

Marwo Faadumo Siciid waxay sheegtay inay ku guulaysatay dhaqaale si fiican ay ugu dhiseen dhismaha Jaamacadda Badda ee Berbera, isla markaana ay keentay qalab aan hore dalka loo keenin oo ardayda ka caawiya waxbarashadooda. "Waxa taariikhdaa dib iigu celiyey in la ogaado inaanay Jaamacaddu ahayn mid dawladi shaqo ku leedahay ee la ogaado inay tahay mid xaaladda caynkaas ah ee aan ka sheekeeyey ku timi oo aanay dawladdu qalin ku lahayn." Ayey tidhi Faadumo.

Waxay Faadumo Siciid Ibraahim oo hadalkeeda sii wadataa intaa ku dartay oo ay tidhi; "Ka dib waxaannu u baahannay inaannu Guddi maamusha Jaamacadda u samayno, dad is xilqaama oo hawsheeda wada ayaannu u samaynay, Arday badan baa ka qalin jabisay, kuwo badan ayaa wax barashadoodu socotay, maalin ayuunbay dhalinyaradii Jaamacadda wax ka baranaysay nala soo hadleen oo ay yidhaahdeen Annaga oo Fasalladii ku jirna oo wax dhiganayna ayaa Askar naloo keenay ee maxay ku dhacday, Badhasaabka ayaannu la hadalnay oo aannu nidhi Inaadeer Jaamacaddu waa goob wax barasho ee Askarta ka qaad. Abaalkayagi waxa uu noqday in annaga oo aan ogeyn uu Badhasaabku yidhaahdo Guddigii horena waan ka qaaday Guddi cusubna waan u magacaabay Jaamacadda."

"Taasoo dacwaddeedu socoto ayuu haddana Badhasaabku keenay inuu meeshii xidho oo Ardaydii Imtixaamaadka geli lahaa uu Imtixaanki halkaa kaga baaqday, kuwii Waxbarashada sii watayna ay halkaa kaga joogsatay. Immika sannad ayaa dib u dhac ku yimi illaa afartii May oo uu Badhasaabku Jaamacadda xidhay illaa maanta oo September lagu jiro Jaamacaddu way xidhan tahay." Sidaa ayey tidhi Faadumo Siciid.

Faadumo Siciid Ibraahim waxay Maareeyaha Dekadda Berbera ku eedaysay inuu Meherado Ganacsi ka dhex furtay Dhismaha Jaamacaddaas oo xidhan, Faadumo oo arrintaas iyo qodobbo kale ka hadlaysaa waxay tidhi; "Waxa ugu cajaayibsanayd oo ugu xumayd Maareeyaha Dekadda Berbera oo Laba Dukaan oo Ganacsi ka dhex furtay oo uu isagu gaar u leeyahay, Jaamacaddii oo xidhanna intuu Cawjado la galay uu jabsaday oo immika hantidii dhex taallay Jaamacadda ay ku dhex daadsan tahay magaalada Berbera, oo aannu qalabkii qaar ka mid ah ku soo aragnay magaalada iyaga oo magicii Jaamacaddu ku qoran yahay oo qaarkood Xafiisyo dawladeed ay wakhtigan dhex yaallaan, Jiingaddiina laga dulqaatay dhismayaasha qaarkood oo aannaan garanaynin sababta looga qaatay. Waxa intaa dheer in aflagaaddo iyo waxyaabo aannaan geyiyin oo nalagu sheegay, markaa taasi waxay nagu kalliftay inaannu Dacwad ka furanno Maxkamadda Gobolka Saaxil ee magaalada Berbera."

Mar ay Faadumo Siciid ka hadlaysay qaabka dacwaddaa Maxkamaddu uga qabatay waxay tidhi; "Dacwaddaa lafteeda haddana carqalad kale ayaa nalaga geliyey oo qolada Maxkamadda Gobolku way diidday markii hore inay naga qabato dacwaddaas, haddana aakhirkii way naga qabteen dorraad. Annaga oo aan ku kalsoonayn meeshaas, haddana waxaannu Illaahay ka rejeynaynaa in arrintayada si sharci ah oo Dastoorka waafaqsan oo caddaalad ah nala mariyo, haddii aannu halkaa ka aayo weynana aannu socon doonno illaa Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland."

Guddoomiyaha Guddiga Xilka laga wareejiyey ee Jaamacadda Berbera oo ka hadlaysay ujeeddada ay dacwaddaas uga gudbiyeen Badhasaabka Gobolka, waxay tidhi; "Ujeeddadayadu waxa weeye inaannu ogaanno iyada oo Dastoorka Somaliland iyo Shuruucda dalka u taal la adeegsanayo la ogaado halka uu Awoodda intaa le'eg ka keenay Maareeyaha Dekadda oo loo dirtay Dekaddaas iyo hawleheeda inuu Cawjad ula tago oo uu meherado gaar ah ka furto dhismaha Jaamacadda. Iyo halka uu ka keenay Guddoomiyaha Gobolku awoodda uu ku xayiray, isla markaana kula wareegay Jaamacad aan dhibaato ka taagnayn oo aanay dawladdu lahayn. Dawladda Somaliland-na waxaannu ka codsanaynaa inay arrintaa si caddaalad ah u eegto."

Faadumo Siciid, waxay sheegtay Xayiraadda Jaamacaddaas inaanay shaqo ku lahayn Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, hase ahaatee, ay ka dambeeyaan Badhasaabka Gobolka Saaxil, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Ururka horumarinta Gobolka Saaxil oo ay xustay inay isu bahaysteen sidii ay Jaamacaddaas ugala wareegi lahaayeen

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo shebekadda Berberanews wax ka weydiisay waxa uu ka ogyahay dacwad Guddidii hore ee kulliyadda culuumbta badda Berbera u gudbiyeen maxkmadda Gobolka Saaxil iyo waxa uu ka yeelayo, ayaa isagoo si kooban uga jawaabay sheegay inuu arrinkaas maqlay, haddii maxkamadda looga yeedhana uu tegi doono, "Waan maqlay inuu arrinkaasi jiro, laakiin weli wax cad maan arag, dee haddii maxkamadda layga yeedhana waan tegayaa oo wixii lay qabo waan ka jawaabi doonaa."

Badhasaab Ramaax waxa uu difaacay go'aankii ay xilka kaga qaadeen Guddidii hore ee jaamacadda, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, "Go'aanka aanu kula wargeenay jaamacaddu waa mid aanu dariiq sax ah u marnay, meeshuna [kuliyadda] waxay ahayd goob albaabada loo laabay oo aan wax shaqo ahi ka socon, immikana waxaannu wadnaa dib-u-dhiskii oo ay iska kaashanayaan Maamulka gobolka, Dawladad Hoose iyo Dekedda Berbera, waxaanna ku baxaay lacag dhan $40,000, Insha allaah si dhakhso ahna waa loo furi rdoonaa."
Dhanka kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yusuf Dirir oo Shabakada wararka ee Berberanews.com ay isku dayday inay wax ka weydiinno waxa uu kaga jawaabayo eedaha culus ee Faadummo Siciid ugu jeedisay inuu ku takri-falay dhismihii jaamacadda Berbera, ayaanay noo suurtagelin, ka dib markii aanu laba jeer garaacnay telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaban waayay, annagoo xattaa farriin telefoonka ugu dirnay.

Ahmed Mohamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com

No comments: