19 September, 2011

75 Tahriibe Oo Reer Somaliland Ah Oo Lagu Qabtay Xuduudka Itobiya Iyo Sudan


75 Tahriibe Oo Reer Somaliland Ah Oo Lagu Qabtay Xuduudka Itobiya Iyo Sudan

Qaar ka mid ah Dhalinyarada reer Hargeysa ee laga qabtay Xadka Sudan iyo Itoobiya
“13 Gabdho ah Iyo 62 Wiil Oo Dhamaantood Ka Soo Tahriibay Xaafadaha Xawaadle Iyo Xero awr Ee Hargeysa weeye Kuwa Xalay La Qabtay, waana Dufcadii Sadexaad Bishan” “Waxaa Hargeysa Iga Soo Kexeeyay Camal La’aan Ayaa Kow Ka ah” Aadan Cabdi
Addis Ababa, Ethiopia(Saxafi) – Tahriibayaal reer Somaliland ah oo ka kooban 75 qof ayaa habeen hore Jimcihii laga soo qabtay magaaladda Jilqa oo ka tirsan gobalka Amxaaradda ee Gondhar oo qiyaas ahaan xadka dalka Suudaan la waddaago Itoobiya u jirta 160 Km.
Dhalinayraddan oo ah dufcaddii sadexaad ee muddo bil gudaheed ah laga soo qabto xuduudka Itoobiya iyo Suudaan, sidda uu ku soo waramay Wariye ka tirsan Wargeyska Saxafi oo arrintan dabagal ku hayay, waxaa la qabtay habeen hore 9-kii fiidnimo.
Dufcadan ayaa warku sheegay in 55 dhalinyaro ahi oo ka mid ahi ay ka tahriibeen xaafaddaha Xawaadle iyo Xero Awr ee magaaladda Hargeysa, iyaddoo 75-kan dhalinyaradda ah 13 ka mid ahi ay yihiih Hablo, halka 62-ka soo hadhay ka yihiin Rag. “Dhalinyaraddan, waxaa ka badbaaday Wiil magaciisu ahaa Naasir oo iska dhigay kirishbaygiii gaadhiga ay la socdeen. Islamarkaana taayiradda garaacay, markii la amray inay degaan.” Ayuu yidhi Wariyuhu.
Warku waxaa uu intaas ku daray in tahriibayaashan lala qabtay ninkii gadhwadeenka u ahaa oo magaciisa lagu sheegay Baaruud, kaasoo ka tirsan koox lagu magacaabo Cabdiqaadir oo ka mid ah Lix shirkadood oo ugu cad-cad kooxaha Soomaalida ah ee ka ganacsadda Tahriibka ee ku sugan magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. waxaana la sheegay in ninkaasi sidoo kalle xidhan-yahay, iyaddoo bishan horaanteediina warku sheegay in lagu soo qabtay 30 dhalinyaro ah oo uu tahriibinayay.
Dhalinyartan habeen hore la qabtay, waxaa siddoo kalle duleedka magaaladda Addis Ababa laga qabtay 12-kii bishan, waqtigaas oo dib loogu celiyay magaalada Addis Ababa.
Aadan Cabdi oo ka mid ah dhalinyartan Tahriibayaasha ah oo Wariye Maxamed Rashiid Muxumed oo ka mid ah Bahda wargeyska Saxafi uu kulla kulmay magaaladda Addis Ababa ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu u tahriibayaa ay tahay shaqo la’aan ka jirta dalka Somaliland.
Dhinaca kalle, qaar ka mid ah qoyayska tahriibayaasha lagu soo qabtay Xuduudka Itoobiya iyo Suudaan todobaadyaddan ugu danbeeyay ayaa labaddii maalmood ee aynu ka soo gudubnay magaaladda Wajaale ku sugayay dhalinyaradaas oo had iyo jeer dib loogu soo celiyo Xadka Somaliland iyo Itoobiya.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: