27 August, 2011

“Wasaaradu Hore Ayay Uga War Qabtay In MEDIAR Shaqaalaheeda

"Wasaaradu Hore Ayay Uga War Qabtay In MEDIAR Shaqaalaheeda Dibada Ay Ku Soo Shaqaalaysiiso Shuruudaha Wargaysku Qoray, Taasi-Na Ma Khusayso Reer S/land"

Isu-Duwaha W. Shaqadda Iyo Arimaha Bulshadda Ismaaciil Axmed

Burco, August 26, 2011 (Haatuf) - Masuuliyiinta dawladda ee heer Gobol iyo mid degmo ee Gobolka Togdheer iyo Hay'adda Medair ayaa shir jara'iid oo ay shalay magaalada Burco wada jir ugu qabteen ku beeniyey war todobaadkii hore wargayska Haatuf ka qoray nidaamka shaqalaynta ee Hay'adda MEDAIR, warkaas oo ku saabsana in ay hay'addu shaqaalaha ay qaadanayso ee Somaliland ku xidho shuruudo ay ka mid yihiin in qofku haysto Diinta Kiristaanka ama uu qaato iyo shuruudo kale.
Waxaanay sheegeen masuuliyiintaasi inay hay'addu shaqaalaheeda Local-ka ah ee gudaha Somaliland aanay ku xidhin shuruudaha wargaysku sheegay, balse shuruudaha ay hay'addu ku xidho shaqaalaheeda dibadda ee dalka hay'adda laga asaasay ee Switzerland.
Duqa magaalada Burco Maxamuud Xasan Axmed (dhagalaab) oo isagu ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay 
 markii warkani soo baxay ay ka maamul ahaan baadhitaan ay sameeyeen ku ogaadeen in shaqalaaha hay'adda ee Somaliland aan shurudahan lagu xidhin, sidaas darteed-na ay shaqalaynta u marto wadada ay u maraan hay'adaha kale ee Gobolka ka hawlgala, waxanu intaa ku daray duqu in hay'adan oo Gobolka dhawrkii sano ee u danbaysay ka hawl galaysay ay wax badan ka qabatay sidaas darteed-na aanay raali ka ahayn in laga sheego xumaan aanay samayn.

Waxa  isna halkaas ka hadlay Isu-duwaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada gobolka Togdheer Ismaaciil Axmed waxaanu yidhi "Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshadu oo ah hay'adda dawladda ugu xil saaran nidaamka shaqaalaha iyo xuquuqdooda waxay halkan ku cadaynaynsaa inuu warkaasi aan waxba ka jiirin Hay'adda MEDAIR shaqalaaha ay qaadato ee dalka waxay soo maraan wasaarada shaqada iyo arimaha  bulshada oo kala shaqaysa siddii imtixaan xalaala looga qaado tartamayaaasha  ka dib markay ka gudbaan shuruudaha ay hay'addu ku xayaysiiso shaqada ay doonayso, shurudahaas oo aanay ku jirin kuwa wargaysku qoray waa kuwa Somaliland, balse waxaa jiray oo wasaaradu hore uga war qabtay inay hay'addu shaqaalaheeda dibada ay ka soo shaqaalaysiiso shuruudo kuwaa wargaysku qoray oo kale ah in ay ku xidho taasi-na ma khusayso reer Somaliland iyo  gobalka Togdheer toona".
Waxaa iyana ugu danbayntii halkaas ka hadlay Maxamed Cali Xandule iyo Maxamed Xuseen oo ka mida saraakiisha hayada Medair ee gobolka Togdheer 
  waxaanay sheegeen in aaanay gaalo ahayn oo ay yihiin dad Muslima, isla markaana nadaamkii shaqo ee hay'adu soo marisay uu yahay ka caadiga ah ee dalka u yaala sidaas darteed ay ka xun yihiin waxyaalaha laga sheegay oo aanay kala kulmin shuruudo noocaas oo kale ah hay'adda oo diintooda wax u dhimaysa,  waxa kale oo ay sheegeen in hay'addan oo fadhigeedu yahay Gobolkan ay ku talo jirto inay gaadho Sool iyo Sanaag oo ay wax ka qabto caafimaadka iyo nafqaynta caruurta, isla markaana Gobolkan Togdheer ay hay'ada ka hawl galaan shaqaale 180 qof ah oo badidoodi goobtan fadhiyan.


No comments: