Maxkamada Degmada Hargeysa Ayaa Doraad Xukun Kuriday Saddex Waalid Caasi Oo Waalidiintood Diintooda Iyo Ilaahooga (SWT) Caayey
Hargeysa, August 26, 2011 (Haatuf) – Waalidiin Farabadan oo ka mid ah Reer Somaliland, gaar ahaana Caasimada Hargeysa ayay dhibaato ka haysataa Caruurtooda oo waalid caasi ku noqday, isla markaana hadh iyo habeenba la dul taagan Diin Cayn, Nabi Cay iyo Ilaah Cay, haddii ay siin waayaan lacag ay Qaad iyo Sigaar siistaan ama balwado kale ku galaan.
Qaar ka mid ah waalidiintan ayaa marka ay xamili waayaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ay Ubadkoodu ku hayaan u soo ciirsi taga dawladda, kuwaas oo ka soo dacweeya saldhigyada si loogu gudbiyo maxkamada degmada, halkaas oo maxkamada degmadu marka ay dhageysato dacwada, isla markaana uu ku cadaado dambiga ay Waalidkood iyo Diinta ka galaan oo waliba la dhaariyo dadka dhibanaha u ah ah xukun ku rida, isla markaana marka Ashahaadada xaakimku u qabto loo taxaabo jeelka.
Maalintii doraad ayaa Wariyeyaal ka tirsan Haatuf oo booqday Maxkamada degmada Hargeysa oo u tagay kiis nin Sixiroole ah xukun lagu ridayey, waxa ay halkaasi goob joog ka ahaayeen dhageysiga saddex dacwadood oo kale, kuwaas oo ku taxaluqay Waalid Caasi iyo Dhibaato joogto ah oo ay ku hayaan Saddex dhalinyaro ahi waalidiintooda, kuwaas oo markii uu dhageystay guddoomiyaha Maxkamada Degmadu, isla markaana maxkamada lagu hordhaariyey markhaatiyeyaal jaar la ah waalidiinta iyo Ubadkooda dhibaatadu kala dhex taalo ayaa maxkamada kaga hor markhaati furay, isagoo guddoomiyuhu su'aalayey inuu sheego wixii uu arkay, Maqlay, Goob joog u ahaa markhaatidu isaga oo gacanta Saaraya Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah, kuwaas oo Magaca Ilaahay ku maray in Ragani ay Dhibaato ku hayaan Waalidiintood.
Hase yeeshee Mid ka mid ah Waalid Caasigan dacwadiisa iyo eedaha loo soo jeediyey halkaasi lagu dhageystay ayaa isagu Magaca Baadhista Saldhiga laga soo qoray bedelay ama u sheegay Magac Bug ah oo aan jirin kadib markii la waydiiyey sababta uu magaca Aabihii u bedelay ayaa halkaasi ka dafiray in aanu dhalin ee uu Adeer u yahay, isla markaana Walaalkii oo halkaasi kaga makhraati furayey dhibaatada uu Aabihii iyo Reerkaba ku hayo sidoo kale dafiray in aanay Walaalo ahay, balse ay xaga hooyo ka waalo yihiin (Half of brother), taas oo fajiciso iyo Amakaag kale ku noqotay Waalidkii iyo dadkii goobta Maxkamada.
Halka Mid kale oo ka mid ah Waalid Caasiyadu uu halkaasi ku soo qadimay qirashada inuu galay faldambiyeedka Ilaah Cayga kana codsaday maxkamada in loo khafiifiyo xadhiga maadaama oo uu qirtay inuu dambigaa ka galay Diinta Islaamka iyo Waalidkiiba.
Waalid Caasiga Saddexaad ee halkaas Maxkamadu ku dhageysatay dacwadiisa, kaas oo dadiisu ku dhaw dahay 40 jir ayaa guddoomiyaha ka codsaday in hooyadii oo uu caasiyey, isla markaana uu Caayey ay isku afgarteen inay saamaxday kadibna guddoomiyaha Maxkamadu markii uu su'aalay ee telefoon u diray Hooyadii ay u sheegtay guddoomiyaha in Sharciga loo mariyo ilmaheeda Caasiyey, nin kan ayaa ku dooday in aanu hooyadii diinteeda Caayin balse nin Albaabka xoog ugu garaacay oo hurdada ka toosiyey uu Caayey Diintiisa, kaas oo Guddoomiyaha Maxkamadu u sheegay inay isku mid tahay inuu Hooyadii Caayo inuu qof kale Caayo Diintiisa, taas oo Diinta Islaamku ay tahay mid Qudha oo ummadda ka dhaxaysa.
Si kastaba ha ahaatee Ragan Waalid Caasiga ah ee Dhibaatada ku haya Waalidiintooda ayuu muuqaalkoodu u ekaa kuwo Qaadirada iyo Qaadku uu aad uga muuqday kana soo ifbaxay, isla markaana Aad Caato u ahaa, kuwaas oo Maxkamadu ku dhawaaqday in xukunkooda iyo waxa lagu ciqaabayo si ay u Edbismaan loogana guddo wixii ay dambe galeen.
No comments:
Post a Comment