21 August, 2011

Sarkaal Boolis ah oo caawa lagu dilay Magaalada Ceerigaabo

Sarkaal Boolis ah oo caawa lagu dilay Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (Somaliland.org)- Alle ha u naxariistee waxa caawa fiidkii lagu dilay gudaha Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag Taliyihii Saldhiga Booliska ee Daallo ee magaaladaasi Marxuum- Jaamac Ismaaciil Jaamac (Garmaqaate) ka dib markii nin hubaysan lix xabbadood laabta kaga dhuftay siday shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyeen Suxufiyiin degan halkaasi.

Marxuum- Jaamac Ismaaciil waxa la sheegay inuu toogasho ku dilay askari boolis ah oo ka tirsanaa ciidankiisa, waxaana warku intaasi ku darayaa in ninkii dilkan geystay uu baxsaday oo ay suurto geli wayday in gacanta lagu soo dhigo.

Marxuumka waxa uu markii la dilay ka soo baxay Masaajid uu ku tukaday salaadii Makhrib waxaana lix xabbadood ay kaga dhaceen shafka waxaanu ku qudh baxay isla goobtii.

Wararka caawa ka imanaya Magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in ammaanka aad loo xoojiyay oo ciidamo badan oo Boolis ah la dhigay wadooyinka, kaantaroolada iyo xaafadaha kala duwan ee magaalladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Ma jiro illaa imika cid kale oo khasaare ka soo gaadhay falkan.

Dadweynaha ku dhaqan Ceerigaabo ayaa si weyn u cambaareeyay dilkan oo ay ku tilmaameen mid waxshinimo ah Waxaanay soo ku baaqeen in sharciga la horkeeno ninkii falkan fuliyay.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: