15 August, 2011

Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha oo feedh la dhacay.......

Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha oo feedh la dhacay mid ka mid ah shaqaalaha wasaaraddiisa

Hargeysa,-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maxamud Axmed Maxamed Cagaweyne ayaa shalay Feedh ku qaad qaaday Sahal Cali Warsame oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi qaybta Shaybaadhka oo isaga oo fasax ku maqan la sheegay inuu sii eryay.

Sahal ayaa markii uu Agaasimuhu la dagaalamay la sheegay inuu weydiiyay sababta uu u eryay intii uu maqnaa maadaama uu fasax haystay hase yeeshee intii aanu uba jawaabin ayaa la sheegay inuu Feedh ku bilaabay sida ay shaqaale goob joog ahi sheegeena Sahal intii uu Feedhku ku socday wax gacan ah umuu qaadi.

Arrintan ayaa ah mid soo noqnoqonaysa oo uu si isdaba joog ah Agaasimaha Wasaaradaasi ugula kacayo shaqaalihiisa isagoo hore Askar ugu adeegsaday inuu xafiisyadooda kaga saaro inankii u hayay wasaaradda Bakhaarka alaabta la dhigo kaasoo sida la sheegay diiday inuu xareeyo dawooyin dhacay oo wasaaradda lagu caawiyay.

Sidoo kale waxa uu ilaa hada ka haystaa gunno siminaar oo dhamayd $250 Saleebaan Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa shaqaalaha Shaybaadhka oo uu hore xilkana uga qaaday dhawaana Askar u dalbaday, kaasoo ay ilaa hada Dacwadiisii ka dhex taagan tahay Wasaaradda wax xal ahna aan wali loo haynin.

Dr: Cagaweyne ayay shaqaaha wasaaradaasi kaga cabanayaan inuu ku hay oaf-lagaado iyo caga-juglayn joogto ah waxaana ugu danbaysay tau u shalay kula kacaya Sahal iyadoo hore wasaaradda loogaga bedelay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Dr: Axmed Xaashi Oday kaasoo ay gacanta isula tageen.

No comments: