13 July, 2011

Xisaabibiyaha Qaranka Oo Walaac Ka Muujiyey Foomamka Lacag Qabashada......

Xisaabibiyaha Qaranka Oo Walaac Ka Muujiyey Foomamka Lacag Qabashada Oo Si Sharci Daro Ah Ay U Daaba

Xisaabibiyaha Qaranka Oo Walaac Ka Muujiyey Foomamka Lacag Qabashada Oo Si Sharci Daro Ah Ay U Daabacdaan Hay'adaha Dawladdu, Sheegayna In Hab Xisaabeedka D/Hoose Iyo Ta Dhexe Aanu Wada Socon

"Wasiir (M. Xaashi) Markaan Sidaa U Eego Madasha, Waxa Aanan Halkan Ku Arkayn Oo Aad Ilowdeen Inaad Marti Qaadaan D/Hoose, D/Hoose Way Ka Soo Booday Oo Ay Yidhaahdeen Isku Qaaba Ma Nihin Oo Shuruuc Baanu Leenahay, Idinkuna Shuruuc Baad Leedihiin" Maxamed Cabdi Bade

Hargeysa,(Qaran news) - Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Maxamed Cabdi Bade ayaa walaac ka muujiye Foomamka Lacagqabashada dalka (Financial Forms-ka) sida sharci darada ah ee ay iskaga daabacdaan Qaar ka mid ah Wasaaradaha, Dawlada Hoose iyo hay'adaha Madaxbanaan, taas oo uu ku tilmaamay inay jabinayso qodobka 15aad ee shuruucda dalka.

Mr Bade waxa uu intaas ku daray in dawladda Hoose iyo ta dhexe aanay aanay wada socon hab xisaabeedkoodu, isla markaana dawladda hoose ku doodo in aana isku qaab xisaabeed ahayn Dawladda dhexe, taas oo uu ku macneeyey inay dalka ka jiraan laba dawladood oo laba nidaam kala haysta, balse Xisaabaha Idman iyo sharci maaliyadeedka dalku aanu khusayn oo kaliya dawladda Dhexe.

Xisaabiyaha guud ee Qaranku waxa uu sidaasi ka sheegay Kulan shalay Lagu Qabtay Hotel Maansoor oo lagaga hadlayey xaalada Cashuuraha dalka ee Wasaarada Maaliyada, ugu horayna isaga oo ka hadlaya nidaam xisaabeedka dalka iyo sida ugu haboon ee loo ilaalin karo hantida ummadda ayaa waxa uu yidhi "Halkna waxa aynu isugu nimid kolay barnaamijkayagu waxa weeyaan nidaamka xisaabaadka, waxaynu is weydiinaynaa waxa weeyi waar sidee ayaynu waxeena u hagaajisanaa, waa qaabkan hadda la wado ee ah (Public Financial Management), awalba waynu lahayne waynu hagaajisan jirnay, waxa weeyi sideed lacagtaada u maamulanaysaa

 Ninwalba lacag buu haystaa hadda lacagta ma wada bixiyo kolay qaabuu u sameeyaa oo uu u maamushaa inaguna waxa aynu leenahay (how government manage the public money), sidee ayaynu u maamulnaa lacagta ama hantida ummadda, ma tuugaynu isticmaalnaa mise hab xisaabeed fiican baynu isticmaalnaa, markaa qaabka xisaabaadka ee aynu ka hadlaynaa kolay waa halkan, xisaabtu waligeed way soo jirtay, mudane wasiir markaan hadda sidaa u eego dadka waxa aanan halkan ku arkayn oo aad malaha ilowdeen in aad marti qaadaan dawladihii Hoose, meesha waxa iiga muuqda dawladdii Dhexe, qaab nidaameedka xisaabaadka iyo Maaliyadna waxa ay khusaysaa waa dawladda oo dhan halkana waxa ka muuqda dawladdii dhexe oo kaliya,

waxa meesha ka maqan dawladii hoose, barnaamijka aanu doonayno in aanu maanta ka hadalnaana waxay ahayd dawladda hoose, meeshii waxa ay noqotay labada dawladood, dawladd dhexe iyo dawladd hoose, markaa maanta halkan kuma arkayo dawladdii hoose, shuruucdan iyo barnaamijkan hadda aynu wadnaana ku talagalkiisa iyo xoogiisa waxa iska lahaa inaynu wax u sheegno dawladda hoose oo aanu ka dhaadhicino sharciga maaliyadeed ee dalku sida uu yahay in aanay laba u qaybsanayn ee uu dalka ka wada dhexeeyo.

Hadaan soo qaato dawladdaha hoose hadda waxa aanu geynay dalka oo dhan qaab nidaameedkan aanu ku salaynay waxa aynu odhan jirnay Xisaabiyeyaal Idman, wali waxa la fahmi layahay xisaabaha Idmani muxuu yahay, dawladihii hoose way ka soo boodeen, sababta aan u leenahay dawladd hoose meesha ma joogto, waxaanu u sharxi lahayn Xisaabaha Idmani waxa uu yahay in Sharci maaliyadeedku aanu qaban oo kaliya Dawladda Dhexe ee uu yahay mid dawladd hoose, mid dawladd Dhexe iyo mid hay'adahaba ku shaqo leh oo dalka ka wada dhexeeya.

Dawladd hoose way ka soo booday runtii oo qaar waxa ay yidhaahdeen isku qaaba ma nihin oo shuruuc baanu leenahay idinkuna shuruuc baad leedihiin, laakiin sharcigu waxa uu sheegayaa oo uu noo fasaxayaa in waaxda xisbaabaadku ay wasaarad kasta ay xafiis ka furan karto oo si ay u ilaaliso hantida qaranka, gobol kasta ay ka furan karto si ay u ilaaliso hantida qaranka, degmo kasta ka furato si ay u ilaaliso hantida qaranka, wasaaradaha waanu wada geynay Gaashaan-Dhiga, Caafimaadka, Wakaalada Biyaha, Korontada, Wasaarada waxbarashada, sida muhiimada loo kala leeyahay, wasaaradaha kalena waanu u soo wadnaa, qolada Local governments-ku wali waxa ay soo taagan yihiin xisaab Idman anagaa lacag idiin qabana ee maxaa nalaga soo raadinaa, laakiin waxa aan u cadayn lahaa maanta, waar sharcigu inuu qabto to dhexe iyo to Hooseba, waxaananu bilaabaynaa hadda oo aanu daaha ka qaadaynaa in aanu shuruucdaa ka hirgalino aanu sideedana u wadno.

Qaybta kale ee hadda jirtaana waxa weeyi, dawladaha Hoose iyo ha'adaha madaxa banaan qaarkood iyo wasaaraduhu, waxay iska daabacaan Foomam (Financial Forms), -ka lacagta lagu qabto, sharciga waa ka xaaraan, sharcigu waxa uu leeyahay Financial Forms-ka lacagta lagu qabto waxa kaliya oo daabici kara Xisaabiyaha Guud, isaga oo cuskanaya qodobka 15aad ee shuruucda dalka, ilaa iyo hadda dawladaha hoose waxay ka dhigteen Dukaan iyagu daabacda, anaga nama soo maraan, yacnii sida ay rabaan ayay ugu takri falaan, waxaan odhan karaaba waa dawladd gaar ah in shuruuc gaar ah loo sameeyo ayay noqonaysaa, laakiin haddii shuruucda dalka lagu maamulayo laga bilaabo, kolay wasiirka Maaliyada hore waanu uga wada hadalnay,

 Madaxweyne ku xigeenkuna wuu joogaa, waxaanu doonaynaa lix biloodkan laga bilaabo in aanu fulino oo aan dhaqan galino, shuruucda dalku sida ay tahay, wasaaradaha qaarkood ee lagu yidhi dakhli soo xareeya, Miisaaniyadu waa 529 Bilyan, 450 wasaarada maaliyadaa dusha u ridatay, 79 ayaa wasaaradaha loo qoondeeyey, wasaaradaha Qaarkood iyagaa iska daabacda Foomamka lacag qabashada, markaa Kantarookii meeshaa wuu ka baxayaa, Waraadaha Caafimaadka Qaybaa Daabacata, Wasaarada Biyaha Way Daabacdaan oo kormeer aanu ku tagnay Burco oo kale, wakaalada biyaha iyadaa iska leh, haddii cid waliba daabacato form-ka lacag qabashada, markaa meeshaa Control -kii wadanka ee qaybta Xisaabaadka Maliyadu Meesha wuu ka lumayaa, markaa taladu waxa weeyaan, anaga oo cuskanayna qodobka 15aad ee sharciga wadanka in aan nina daabacan Karin, ilaa uu ogolaansho ka helo xafiiska Xisaabiyaha Guud,"

Haatuf

No comments: