07 July, 2011

Xil Doonoow, Xil-Doorka Ha Xajiimaynin

Xil Doonoow, Xil-Doorka Ha Xajiimaynin
 
Madaxweyne ku xigeenka muxtarimka ah ee Somaliland, mudane Saylici,  waxa loo doortay xil qaran, sidaa daraadeed waxan ugu yeedhi karnaa  inuu yahay 'xil-door qaran'. Sidoo kale  qofka xil qaran ama xil gobolba midkay doonto ha ahaatee ka doonaya madaxweyne ku xigeenka ama  madaxda kale ee la doortay, isna waxa aynu ugu yeedhi karnaa 'xil doon qaran ama xildoon gobol', kolba xilka uu rabo marka loo eego.  Hadaba waxa ku waajib ah xildoonku  inuu ka xishoodo xajiimaynta iyo xag-xagashada  iyo xasadka 'xil-doorka qaran', maadaama uu iyaga xil ka rabo.  Tusaale waxan usoo qaadanaynaa ninka magaciisa la yidhaahdo DAAHIR JAAMAC MUUSE oo dhawaan shir jaraa'id qabtay  isuna dayay inuu xag-xagasho iyo xajiimayn kaga  doonto xil, madaxweyne  ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/Raxmaan Saylici.
 
Reer Awdal waxay markii horaba ku dulmanaayeen gacantii madaxeynihii hore ee dalka mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo la ogaa xitaa inuu isagu soo xulan jiray dirawaliinta dawlada ee ka shaqaysa Awdal iskaba dhaaf xil kale oo kaasi kaba sii weyne. Hadana cidina kuma dacwayni jirin inuu Dastuurkii dalka jabiyay oo gobolkii Awdal ka dhigay mid iskii isu xukuma, oo isagu gooni uga yahay madax weyne iyo badhasaab intaba.  Su'aasha is weydiinta mudanina waxy tahay;  haddii Madaxweynihii hore ee qaranka dhan hogaaminayay uu isagu xil gaar ah iyo awood gaar ah ku lahaa Awdal,  dee maxaa imikana ka hor joogi kara inuu Madaxweyne ku xigeenka wakhtigan xaadirka ahi, Mudane C/Raxmaan Saylici , uu isaguna miisaan gaar ah iyo maamuus gooni ah ku lahaado gobolada Awdal/Salal oo ah gobolada uu ka soo jeedo?.
 
Si kastaba ha ahaatee xisbiga KULMIYE wuxu ku guulaystay  aqlabiyadii codka ee ugu ballaadhnayd abid ee soo marta  taariikhda Somaliland intii ay jirtay,   waxana la odhan karaa KULMIYE rabitaanka dadweynaha reer Somaliland ayuu haystaa, kaasi oo  xilkana lagu saaray.  Taasi macnaheedu waxa weeyi inay ummad badan oo reer Somaliland ahi halgan dheer u galeen sidii xisbigaasi kusoo bixi lahaa, iyagoo maal iyo muruq iyo maskax intaba ku taageeray. Ummaddaasi oo dhanna hadafkoodu ma wada ahayn inay xil wada helaan, oo xil doon ma wada ahayn, sidoo kalana xil door ma  wada ahayn, oo jagada madaxweyne iyo ku xigeen ayuunbaa xil door ahaa, dadkuna doortay.
 
Hadaba muwaadiniinta Somaliland intii Xisbiga KULMIYE taageertay iyo intii taageeri weydayba, markii xukumad cusubi timiday waxay xukummadaasi dan moodday inay dhan walba raali galiso una noqoto hogaan, oo xilka kusoo wada darto muxaafid iyo mucaaradba, waana xushmad iyo xilkasnimo ay xukumadani dheertahay kuwii ka horreeyay. Taasina waa midda loo baahanyahay inay fahmaan halgamayaal badnaa oo taageeray KULMIYE oo ilaa wakhtigan xaadirka ah an wax xil ah loo dhiibin. Sida dadkaasi xil ku heli karaanina ma aha inay karaamada iska qaadaan, oo xajiimeeyaan ama xaasidaan kuwa xilka loo doortay ee dalka hogaansha,  waxay ku heli karaan deganaan, dulqaad, samir iyo dedaal badan oo ay la garab taagnaadaan xil-doorkooda. 
 
Hadal iyo dhammaantii; waxan odhan lahaa mudane Daahir Jaamac Muuse,  ogsoonoow Daahiroow,  madaxweyne ku xigeenka muxtarimka ah iyo beelaha ad isaga ku riixday ee  u kasoo jeedo iyo gobolka Awdal, intaba waad wada xajiimaysay,  sidaana xil kuma heli kartide, soo xisaabso wixii adiga kharash kaaga baxay ololihii doorashada ee mood iyo noolba shaqsi ahaan kaaga maqan ee ad shirkaagii jaraa'id  ku sheegatay,  waa laguu soo wada celin doonaaye.
 
Abdiqani Ateyeh (HiilDan)
Coventry-UK
 

No comments: