
Taliyaha Policeka ee Aaga bari Ee Magaalada Hargaysa Maxamuud Ducaale "Ina Ducaale Iimaanso Jeelka" Ayaa maanta si badheedh gaadhi u jiisiin gaadhay sidoo kalena daawac gaashiiyey Mid ka mid ah Wariyayaasha Shabakada Caalimaga ah ee Togaherer Waa Cabdi Raxiin Ismaaciil Bidaar Taas oo ay intaasi kadib Jugaahaas uu soo gaadhsiiyey Taliyahaasi Gardaroolaha ahi ay dhaawac wayn ka soo gaadhay Garabka Iyo Suxulka midig , Sidoo kalena intaas kagamuu hadhin taliyihii ee isaga oo dhaawacyadaa uu gaadhsiiyey qaba ayaa uu ka qaday kamaradii u Sitay ee wuu ku qaadanayay Sawirada.
Dhacdadan ayaa dhacday mar uu Wariye Cabdiraxiim Bidaar ku jiray Hawshiisii Saxafinimo mar uu ku sugnaa Sawirana ka qaadayay Mudaharaadka ay wadaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Degamda Maxamuud Haybe hadda Ka socda iyada oo ay goobtaasi joogeen dhamaan hogaanka Ciidamada oo dhan iyo Taliyaha CID ayna ku eegayeen oo aan wax jawaab ah ka bixin marki Wariyaha uu sida gardarada ah Ina Ducaale nabarada u soo gaadhsiiyey ugana qaaday Camradisii.
Maaha markii ugu horaysay ee Wariye ku guda jira hawshiisa Shaqo ay jugo gaadhsiiyaan Qaar ka mid ah Madaxda Dawladan Kulmiye iyo Kuwa dabayaaca Taas oo markii ay mucaaradka ahaayeen ku caayi jireen Xukumadii Riyaale Anagu hadaanu Qabsano xukunka Saxaafadu waxay noqonaysaa Mid Xor ah oo aan waxba la yeelin , Se waxay noqotay Arintu " Kud ka guur Oo Ganjo U guur" Waxaabaan odhan karaa Way ka sii darantahay Xukuumadan uu Siiraayo Hogaamiyaa Tii uu Ina Riyaale Hogaamin jiray .
Wixi war ah ee ka soo kordha arinaasi Waan idinla Soo Socodsiin doonaa
Warqabadka Togaherer
Hargaysa.
No comments:
Post a Comment