Shirarka Qabiilooyinka Somaliland, Waa Shifo Qaran ee Ma Aha Shiddo Qaran
Qaranka dhan ee Somaliland ayaa ka unkamay qabiilooyin heshiiyay, xisbiyada dalka sida xisbiga imika talada haya ( KULMIYE) ayaa isaguna ka yimiday qabiilooyin shiray oo heshiiyay. Sidaa daraadeed waxan odhan karnaa qabiilku wuxu leeyahay waji loogu soo hagaago marka an la qabyaaladaynayn, waana shifo Qaran ee ma aha shiddo Qaran. Waa dulucda ay ku salaysantahay qormadani gaaban.
Beelaha dhexe ee Somaliland mar walba waxay u shiraan beel-beel iyo buul-buul, mar walbana balka way dhigtaan. Beelaha darifyaduna sidaasoo kale way yeeli karaan, oo qooys-qooys iyo qof-qofba way u shiri karaan, waxna kuma jabna. Hargeysa shir beelaadyaa ka dhacay, Gar adag shir beeleedaa ka dhacay, galbeedka Burco shir beeleedbaa ka dhacay, Buuhoodle shir beelaadyaa ka dhacay, Sool Sanaag Cayn dhammaantood shirar beeleedyaa ka socda, widh-widh shirar beeleedyaa ka dhacay, Gabiley, Garabodadar, Boorama, Quljeed iyo dhamaan goonyaha Awdal iyagana shirarka noocaasi ahi way ka dhaceen ama ka dhici karaanba.
Hadaba haddii la yidhaahdo shirarka beelo gaar ahi wadaan waxa looga dan leeyahay dumis qaran, iyadoo la wada ogsoonyahay in beel waliba shirto, taasi waxa macnaheeda loo qaadanayaa in beelaha qaarkood la rabo in laga saaro Qaranka Somaliland, qaarkoodna lagu daro qaranka Somaliland. Sida qaalibka ah waxa dumin kara qaranka Somaliland qofka yidhaahda qabiil ma jiro, qabiilna ma shiri karo, waana qofka danaystaha ah, ee hunguriga uun wax ka arka.
Qabiilku haddaan la qabyaaladaynayn wuxu leeyahay qaab loogu soo hagaago iyo qawaaniin qaban kara, soomaaliduna muddo dheer ayay kusoo dhaqmi jireen iyaga oo an haysan dawlado, iyo iyaga oo leh dawladaba. Maalinta la helo hal qabiil oo dhan u wada jeeda, waxa la heli karaa hal qaran oo dhan u wada jeesta. Danaysiga hunguriyaysan ee shaqsiyaadka (Personal Interest) ayaa aalaaba lagu muquuniyaa magacii qabiilka, waana marka qaranku dumo, sida ka taagan Banaadir/Koonfur Soomaaliya. Somalilandse waxay diimuqraaddiyadeeda iyo dawladnimadeedu ku caano maashay qabiilooyin heshiiyay walina heshiis ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Maamulka cusub ee maantana waxa u sharaf ah inuu dhageysto reer kasta oo Somaliland ah, soo dhaweeyo aragtidooda, ku dhiirri galiyo in beeluhu si gooni ah iyo si guudba u wada xaajoodaan, tabashadoodana si taxadiran wax uga qabto.
Cidna dani uguma jirto in la cabudhiyo reeraha ama cabsi iyo caga-juglayn loo geysto, in codkooda la maqlo ayay diimqraaddiyadda iyo maslaxadda dawladnimada iyo ta dalkuba ku jirtaa. Qabiilkastana inta qofood ee dan iyaga u gaar ah ku maaxduminaysa isla qabiilkooda, waa in fiiro gaar ah loo lahaadaa, maxaa yeelay haddii ay kuwaasi qabiilkooda dumiyaaan, waxay sidoo kale dumiyeen qarankooda. Kuwa magacdooda qariya ee saxaafadu tidhaahdo masuuliyiin magacooda ka gaabsaday in la sheego ayaa waxaas iyo waxaas noo sheegay, sida qoraalkii dhawaan kusoo baxay wargeyska HAATUF ( http://haatuf.net/2009files/158212011.html ) waa in shaqsiyaadka noocaas ah magacdooda oo buuxda lasoo shaaciyaa, si qabiilka iyo qarankuba u badbaadaan.
Hadal iyo dhammaantii, haddii lagu heesi jiray, ummadyahay qabiilkiyo, qaranimadu waa laba, an is qaadi karinoo, waligood is qabanayn, taasi waynu beeninay haddii aynu nahay reer Somaliland oo qabiilooyinbaynu Qaran ku dhisnay, inuu qarankaasi jirana heshiisbaynu ku nahay. Sidaa daraadeed, waa inaynu doca-docaynta ka dayno qabiilooyinka shiraya, oo aynu diidno qofka dan gaar ah wata, haddii kale waxaynu halis ugu jirnaa in qabiilooyinkii lagu muquuniyo danaysi gaar ah, kadibna la garan waayba goorta u qarankii dumay, oo aynu kusoo baraarugno inagoo sida koonfur Soomaaliya ah. Ha shiraan reeruhu waa shifo qaran ee ma aha shiddo qaran, shirka Habar Cafaan-Samaroon isna ha hir galo oo ha waaro.
Abdiqani Ateyeh
UK
No comments:
Post a Comment