21 July, 2011

Sh Almis X Yaxye oo ka mid ah Culimadda waaweyn ee Somaliland oo la xidhay.


Ciidamada Booliiska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Sh Almis X Yaxye iyo Khadar Yaanyo

Hargeysa(Waaheen) Ciidamadda Booliiska iyo kuwa Socdaalka ee Somaliland ayaa goor dhaweyd ku qabtay magaaladda Hargeysa Sh Almis X Yaxye oo ka mid ah Culimadda waaweyn ee Somaliland iyo Khadar Cabdi Ismaaciil  ”Yaanyo”.
Ilaa hada Booliisku war kamay soo saarin xadhigooda hase yeeshee Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa Waaheen u xaqiijiyay inay Sheekha iyo ninka kale ka qabteen magaaladdaa Hargeysa iyagoo ku guda jira ayuu yidhi samaynta Baasaaboorka cusub ee Somaliya ee E-passport-ka.
Sarkaalkaasi waxa uu sheegay inay hada ku xidhan yihiin Xarunta CID-da isla markaana ay ku qabteen qalab isugu jira Baasaabooro, Kombuyuutaro, Kamarad iyo Dhokumanti kale oo sir ah, waxaanu sheegay inay wadaan baadhis ay ku raadinayaan xubno kale oo ku wehelinayay arrintan.
Ilaa hada inta la og yahayna waxa jiraa shakhsiyaad uu ka mid yahay nin la yidhaahdo Baashe Cabdi Aadan “Xaaji”oo ku lug leh xafiiskan laga furay Hargeysa ee lagu bixinayay baasaaboorku
Qabashada Sheekha iyo Khadar Yaanyo ayaa ka danbaysay warar maalmahanba soo baxayay oo sheegayay inay Dawladda TFG-da Somaliya Hargeysa ka furatay Laan Socdaal oo ay ku bixinayso baasaaboorkeeda cusub ee ay shaacisay in loo Isticmaali doono Socdaalada Dibeda iyadoo sheegtay inay dawladaha Dunida ka codsadeen Joojinta kii hore.
Maqalka arrintan ku saabsan Baasaaboorka Somaliya in laga aqaadan karo Hargeysa ayay dadweynuhu siyaabo kala duwan u arkeen waxaanay qaarkood u arkayeen arrin khatar ku ah Qaranimada waxaany Xukuumadda ku dhaliilayeen inay horsed u tahayba iyadu arrintan maadaama aanay ilaa hada talaabo ka qaadin
Hase yeeshee dhinaca kale dad farabadan ayaa soo dhaweeyay arrintan waxaanay u arkayeen inay tahay arrin loo baahan yahay oo lagaga raysanayo in meelo fog fog loo doonto taasoo ay dadka qaarkood dhibaato farabadan kala kulmi jireen
Halka dadka aragtidaa aaminsan ee soo dhaweeyay ay u arkaan maadaama aan lagu socdaali Karin baasaaboorka Somaliland meelaha qaarkood kii Somaliya ee ay isticmaali jireena la joojiyay isla markaana dhawaaqa Joojinta baasaaboorkii hore ee Somaliya ku soo beegmay wakhti la isku diyaarinayo Xajkii sanadkan inay tahay fursad aan laga maarmayn hawl fudadayn kasta oo ay ku heli karaan.
Xogaha soo baxayay ka hor maanta intaan la qaban labada nin waxay sheegayeen wararka Suuqa ku jiraa inay Ogolaansho ka haysteen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xukuumadda kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyadda, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo hawl-wadeeno kale ee ay arrintani khusayso qaarkood balse ma jirto xog rasmi ah oo arrintan cadaynaysaa marka laga tago mudada la hadal hayay iyo sida ay Xukuumaddu waxba uga qaban la’ayd intii hore.
Si kastaba ha ahaatee arrintani waxay u baahan  tahay baadhis qoto dheer in lagu saameeyo haddii ay jiraan wararkaas sheegaya inay Xukuumaddu ogaydna in talaabo laga qaado cid kasta oo ku lug leh dhacdadan.
Short URL: http://waaheen.com/?p=18343


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: