Khudabda Sh. oo ahayd mid aad u dheer waxay u dhacday sidan"Erayga dulmiga loo yaqaano oo ka mid ah waxyaabaha Diinteenu u timid inay suuliso waa inaad ku takri fasho xaqa ay dadku leeyihiin adiga oo aan u marin dariiqii xaqa ahaa weeyi ama adigoo xaqa waydaarta, falastiin waynu ognahay maalin walba dadka sida loo dilayo yar iyo wayn, waxa la jarayaa Geedkii Saytuunka ahaa ee Ambiyadii hore ay ogaayeen, haddii bisad yari ka hindhisto Adduunka Muslimiinta adduunka oo dhami fadhiisan maayo waa kaasi ku takri falku.
Dulmigu waa shayga oo meeshiisii laga kexeeyo oo meel kale la dhigo ayaa dulmi la yidhaahdaa, aniga marka aad ii timaado been ha iiga sheegin qof muslmim ah, kuwa maanta adduunka muslimiinta u taliya waxay jecel yihiin adiga ayaa sidaasi ah adiga ayaa dadka ugu caqli fiican, Amiirkii Muslimiinta ayaa lagu yidhi hebel iyo hebel ayaa halkaa ku shirayay oo adiga, afka ayuuba qabtay ha ku darin ayuu yidhi waa ragii rag ahaa ee garanayay xaqa qofka muslimka ahi leeyahay, xantu waxa ay tahay ma garanaysaa, walaalkaa oo aad ka sheegto wuxuu karaahiyaysto haddii wax aan ku sheegayo ku jirana waad xamatay, haddii kalana waad ku been abuuratay ayuu yidhi Rasuulku (CSW).
Waxaas dulmi inagu dhacayo miyaad is leedahay waxa sabab u ah dad muslimiin ah oo qaar ay ka mid yihiin dad magacyo badan leh, Somaliland waa heshii umadeed oo ay dadku leeyihiin aynu horumar gaadhno nabadna kuwada noolaano oo yaynaan qaybsamin, laakiin in la foof habaabiyo maaha maaha adeer ma magacaa ku dhibaya, Somaliland waxay ka turjumaysaa maamul dad muslimiin ah oo meel dagani ay sammeeyeen oo ay yidhaahdeen danteena aynu ka tashano mana ah qadiyad aynu kaga doonayno Kitaabka ayay ku taalaa, Somaliland-na kuma taalo somaliyana kuma taalo anigu ku odhan maayo waa Diin, laakiin yeeli mayno inaad tidhaahdo Somaaliyana waa diin, Somaliland waa Maslaxad umadeed umana haysi d wax dhaama ee waxgoo u daa. Ma waxaad aragtay baloodh 50, 000 Dollar ah dadkiisiina bakhtiyayaan, xagee laga keenay waa nidaamyada sammaysmay, dad baa doonaya inay sammaysmaan ummadana dhiig miirtaan oo cisaabta ah oo isku wada jira, nooc walbana leh, dadkii oo bakhtiyay bariiskana dirqi ku helaya.
Maanta inanaka 1000 Dollar qaataa 50 sanadood hadduu shaqeeyo haddii aanu caruurtiisa waxba tarin ayuu baloodh meel biyo leh iibsan karayaa, wali ma is-waydiinay sabata, New York iyo Washington ayaynu ka dhul qaalisan nahay, Afrika Johansberg ayaa u qaalisan dhulka waynu ka dhul qaalisan nahay, ma waxbaa kacay, waxay ahayd inanka 200 Dollar qaataa shan sanadood marka uu shaqeeyo inuu dhul iibsado, shanta dambana inuu guri dhisto ayay ahayd, kii yurub iyo maraykan tagay soddon sanadood ayuu soo shaqaynayaa markaasuu dhul iibsanayaa 30,000 dollar ah, soddon kalana waa inuu guri soo dhisto, waxaana la inoo sheegay Somaliland marka la qiyaaso dhulkeeda qof kasta 7 kiiloo mitir ayaa ku soo hagaagaya.
Wali ma is waydiinay, dowladdu ma is waydiisay dadka doonaya inay u ila bixiyaan haddii dadku ay meel waayaan yaa sababta leh, Goleyaasha Qaranku ma ka hadleen kuwii cad-ceeda loo taagnaa tobanaanka saacadood ee hooyada iyo ilmaha yare e maanta bacadka la wadhay ay dooranayeen, maalin kaliya ma ka hadleen dadka muslimiinta ah ee jilicdsani sidee ayay dhul ku helayaan, qofku wuxuu xaq u leeyahay meel uu ku noolaado, Axaadiista dib u eeg qof anaga noo shaqeeyaa guri ayuu nagu leeyahay maaha kuwa maanta dunida haystaa waxay yidhaahdeen, yaa leh sababtaasi, maxayse xukuumaddu uga hadli wayday, maxaase wax looga qaban waayay kuwa sababta u ah ee doonaya inay dalka ku noollaadaan boqol nin oo keliyi dhulka oo dhan inay yeeshaan, qofku inuu meel yeesho rabin, qofku inuu meel istaago rabin isagoo hanta kasta, haysta sida lagu wadana in xataa qofka bani'aadamka ah ee caadiga ahi ee fikiraya iyadoo dadkii shaqo loo sammaynin ayaa kii 4000 iyo 3000 ee Doolar aanu awoodi karaynin meel uu ku noolaado, waxaanu leenahay dulmiga ha la joojiyo, hantida hala ilaaliyo ayaanu leenahay, dhulka danta guud ahna maatida ayaa u xaq leh, afar qof inay ku noolaadaan xaq uma laha, Wasiiradda aad ku mashquulsan tihiin ee marka boqol guri aad raraysaan ee odhanaysaan Wasiir ayaa guri loo banaynayaa, waar waxa ka haboon kuwii hore ha loo yeedho, kolabana Wasiiradda joogaa ha galaan ilaa 1993-kii Wasiiraddu dhowr boqol ayay noqonayaan, haddii nin walba uu odhanayo guri 30 mitir oo laba jibaaran aan ku noolaado, oo anigu yaanan ka wareegin, kooxdii timaadaana tidhaahdo halkee ayay ka jilicsan tahay, boqol caa'iladood oo jilicsan inta iskagrooyin loo soo kireeyo la yidhaahdo hala raro,
waxay ahayd in Wasiiradii hore ee Guryaha waaweyn ku jira lana yidhaahdo maanta way idinka dhammaatay kolba kii joogaa ha galo, mid walba kii hore ayuu ku jiraa mid kalana uu ka ag sammaystay kuwaasi cid la hadlaysaa oo u yeedhi karaysaa ma jirto walaa Goleyaasha ayaan u yeedhi karin, walaa dowladda ayaan la xisaabtamayn, waxaana weeyi in lala xisaabtamo, afar agoon ah oo meel ku urusan intuu nin dhul soo eegto oo yidhaadho anigaa taladii ku soo biiree halkaasi waa meel aad u qurux badane, meel yar oo kulule ah laydh iyo biyo toona lahayn isaguba aanu saacado ku noolaan kareen la dhigo, waa dulmiyada jira"
No comments:
Post a Comment