Magacyada iyo Qabaa`ilka ay ka soo jeedaan Wasiiru Dawlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada uu Magacaabay Ra`isal Wasaare Gaas
Akhristayaasha Shabakadda ToggaHerer anaga oo mar walba u taagan Raaligelinta Akhristayaasha ku Taxan Shabakada sidoo kalena jecel in aad ogataan waxbadan ayaa waxa ay halkaan idiinku soo gudbinaysaa magacyada iyo qabiilaadka ay kasoo kala jeedaan wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada xukuumada cusub ee uu soo dhisay raisalwasaaraha cusub ee DFKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali 'Gaas'
1. C/casiis Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha{Hawiye/Abgaal}.
2. Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda{Dir, Gada-buursi}.
3. Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Wasaaradda GaashaandhiggaHawiye, Habar Gedir, Suleymaan}.
4. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Aadan {Indha Geelle} Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka {Daarood, Mareexaan}.
5. Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Deer Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta {Raxa-weyn, Mirifle, Luway}.
6. Xildhibaan Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta {Dir, Ciise}.
7. Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha {Beesha Shanaad, Madhibaan}.
8. Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha {Daarood, Warsangeli}.
9. Xildhiban C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska {Digil, Garre}.
WASIIR KU XIGEENADA.
1. Xildhibaan Axmed C/laahi Xuseen Fanax {Digil Shan Caleemood) iyo Xildhibaan lXasan Ibraahim Maxed {Xasan Jabaan} {Beesha Shanaad Ajuuraan} Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Garsoorka arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
2. C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Hawiye, {Baadi-Cadde}.
3. Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga{Raxan-weyn, Mirifle, Hariin}.
4. Xildhibaan Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, {Raxa-weyn, Mirifle, Gasaaragude}.
5. C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka {Dir, Gada-buursi}.
6. Cali Dirir Faarax {Cali Feysal} Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta, {Beesha 5aad, Carab Saalax}.
7. Xildhibaan Luul Cabdi Aadan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska {Raxa-weyn, Mirifle, Geelidle}.
8. Xildhibaan C/risaaq Daahir Maxamuud {Dir, Isaaq, Arab} iyo Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble, Hawiye, Habar-gedir, Saruur} labadooda waxaa la wada siiyey Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
9. Xildhibaan Macalin Cali Aadan {Raxa-weyn, Mirifle, Jiroon}, iyo Faysal Xuseen Daahir {Dir, Ciise, Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Caafimaadka ayaa labadooda la wada siiyey.
10. Xildhibaan C/laahi Bille Nuur Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta {Daarood, Dashiishe}.
11. Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga, {Daarood, Warsengli}.
12. Axmed Xasan Aadan, {Dir, Sure, Qubeys} iyo Ibraahim Shukri Sheekh Aadan {Daarood, Ogadeen}, Wasiir ku xigeenada Kalluumeysiga, kheyraadka Badda iyo Bay'ada ayaa labadooda la wada siiyey.
13. Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xirsi {C/raxmaan, Dheere} Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha, {Hawiye, Shiikhaal}.
14. Xasan Maxamed Jimcaale {Hawiye, Duduble} iyo Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur, {Dir, Isaaq, Habar-awal}, Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ayaa labadooda la wada siiyey.
15. Xildhibaan Xareed Xasan Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Guryeynta iyo Dib u dhiska, {Daarood, Majeerteen}.
16. C/laahi Dool Maxamed Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Batroolka, {Daarood, Abasame, Bartire}.
17. C/qaadir Maxamed Barre, {Hawiye, Habar-Gidir, Sacad} iyo C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim {Baqdaadi}, {Dir, Reer, Aw-Saciid}, waxaa la wada siiyey Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare.
18. Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, {Daarood, Owrtable}.
No comments:
Post a Comment