10 July, 2011

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Kormeer kadis ah ku soo maray

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Kormeer kadis ah ku soo maray
 Hayadaha Dawlada iyo Wasaaradaha Maaliyada iyo Xanaanada Xoolaha
 oo aan Wax Masuuliyiin ahi ku sugnayn Wakhtigaa

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Kormeer kadis ah ku soo maray Hayadaha Dawlada iyo Wasaaradaha Maaliyada iyo Xanaanada Xoolaha oo aan Wax Masuuliyiin ahi ku sugnayn Wakhtigaa

Hargeysa/ToggaHerer 10 July 2011
Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa Kormeer Kadis ah ku soo maray Qaar ka mid ah Hayadaha Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Saylici ayaa Kormeekiisa kadis ka ah ka bilaabay Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Amintu markii ay ahayd 7:25 Am waxaana uu halkaas kula kulmay Agaasimaha Guud ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mustafe Cabdi Qodax isaga oo Madaxweyna Ku xigeenka uga warbixiyey Qorshayaasha ay ku hawlan tahay Wasaaradiisu.

Ka dib Madaxweyne Ku xigeenka ayaa Sidoo kale waxa uu kormeerkiisa ku soo maray Hayada NDC oo aanay Haba Yaraatee aanay ku sugnayn Wax Masuuliyiin iyo Shaqaale ah marka laga Reebo Haweenay ka mid Shaqaalaha Hayada NDC.

Sidoo Kale Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaanay iyana wax Xafiis ahi shaqaynayn Cidina ku sugnayn marka laga reebo Xafiiska Maamulka wakhtigii uu Madaxweyne Ku xigeenku kormeeka ku jiray.

Geesta Kale Wasaarada Maaliyada ayaanay ku sugnayn Xafiisyadooda Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradu inkasta oo Xoghaynta Wasiirku ku war bixiyey in Wasiirku ku maqan yahay Hawl Shaqo oo ku saabsan Dardargelinta Cashuuraha .

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu kormeerkiisa kadiska ah ku tagay Goobaha kala ah Hayada Musuq maasuqa iyo Maamul wanaaga, Wakaalada Qurbajoogta Somaliland , Wasaaradaha Macdanta iyo Biyaha , Warfaafinta iyo Wacyigelinta waxaana Warbixino uu kaga dhagaystay Masuuliyiintii goobahaa ku sugnaaa…

Warqabadka ToggaHerer

No comments: