Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Caawa Magacaabay Xil Cusub oo uu soo Kordhiyay Dawladnimada
Hargeysa(Somaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magacaabay Garyaqaanka guud ee qaranka oo ah xil cusub oo uu madaxweynuhu soo kordhiyay, waxaana xilkaasi loo magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan.
Xilkan oo loo baahnaa inuu Xilli hore Dalku yeesho waxa maqnaanshihiisa u baahday Waajibaadka uu Xafiiskani fulin-doono oo dhan, oo ay ka mid tahay Faafinta Xeerar iyo Shuruucda ay ansixiyaan Golayaasha Qaranku, Madaxweynuhuna Saxeexo oo aan hore u jirin.
Madaxweynuhu Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka,
Markuu Aqoonsaday: Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go'aansaday
In Mudane, Ibraahim Iidle Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.|"
No comments:
Post a Comment