11 July, 2011

Maamulka Dekada Berbera Oo Ka Diiday Markab Dagaal in lagu soo rogo niman budhcad badeed ah

Maamulka Dekada Berbera Oo Ka Diiday Markab Dagaal in lagu soo rogo niman budhcad badeed ah

Maamulka Dekada Berbera Oo Ka Diiday Markab Dagaal oo Ruushku leeyahay in marsada lagu soo rogo niman budhcad badeed ah


Berbera (Somaliland.Org)- Maareeye Ku xigeenka dekada magaalada Berbera Cumar Abokor Jaamac, ayaa sheegay inay ka diideen markab dagaal oo dalka Ruushku leeyahay oo doonayay inuu 7 nin oo budhcad badeed ah oo u dhashay dalka qalalaasuhu ka jiro ee Soomaaliya uu ku soo daadiyo marsada Berbera.

Maamuleyaasha dekadu waxay sheeegeen inay markabka Ruushka ah ku qanciyeen inaanu ku soo daadin dekada 7 nin iyo sadex kale oo mayd ah oo ku dhintay iska hor imaad badweynta ku dhex maray markabkaasi iyo kooxdan budhcad badeeda ah, maaadaama oo ay u dhasheen dalka Soomaaliya.

Maareeye ku xigeenka Dekeda Cumar Abokor Jaamac, oo maanta saxaafadda uga waramayay arrintaasi waxa uu yidhi "Waxa nala soo xidhiidhay aniga iyo Hard Boad masterka dekeda markab nooca dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushka wuxuu noo sheegay markabku in uu sido niman Soomaaliya oo qaraqmay oo uu ka soo qaaday dalka Yaman agtiisa ka dibna waxa uu nimankii la hadal siiyay Hard board masterka dekadda Aadan David magacayadoodii bay sheegeen markay magacyadoodii sheegen ayaa waxay noqdeen niman budhcad badeeda oo reer Calawla ah (Putland) ka dibna markii aanu ogaanay in ay yihiin niman reer Putland ah oo budhcad badeeda ayaa waxaanu go'aan ku gaadhnay in aan dekadayada la keeni karin kadibna waxa uu markabkaa Ruushka ahi uu soo adeegsaday maraakiib kale oo kuwa Dagaalka ah oo ay leeyihiin wadamada EU-da iyaga oo maraakiibtaa kalena nala soo xidhiidhay oo ay yidhaahdeen aanu idin dhex dhexaadinee markabka ka roga nimanka saaran ee Soomaalida ah taasna waanu diidnay."

Maareeye Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi "Markabkii shalay galabtii 8/07/2011 ayuu agagaarka dekada yimi ka dibna waanu ka celinay waxaanan ku nidhi ogolaansho uma haysatid in aad Baddayada dad ku rogto ama aad bilaa ogolaansho ku soo gashid xadka biyahayaga."

"Waxaanunu ku wargalinay in uu nala dhaafo oo uu geeyo Putland ama Ruushka isaga ayay jirtaa laakiin waxa aanu si cad ugu sheegnay in aanay dalka Somaliland wax budhcad Badeed ahi d ka jirin waxaanay nimankaasi ahayeen niman budhcad badeeda oo laashkoodiina uu markabkani ka jiidhay,"ayuu yidhi Maareeye Ku xigeenka dekadda Berbera

Masuuliyiinta dekaddu waxay soo bandhigeen magacyada todobada nin ee budhcad badeedda ahaa ee Markabka Ruushku siday kuwaasi oo dhammaantood u dhashay maamul goboleedka Puntland ee dalka qalalaasuhu ka jiro ee Soomaaliya waxaanay magacyadoodu kala ahaayeen sedan:-

1- Maxamed Ismaciil Salaad 14jir
2- Jaamaca Maxamed Faarax 21
3- Xuseen Maxamed Siraad 21
4- Cabdiraasaq Shire 26jir
5- Axmed Cumar 22jir
6-Cabdo Cali Sahiir 29jir
7- Maxamed Siciid Cali 26jir

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: