18 July, 2011

KU XUSUUSO KEYSE XASAN CIGE SHIRKII JA'RAAID EE AFAR CISHO KA HOR UU MADAARKA HARGEYSA KU QABTAY

Xisbiga Kulmiye Waxa uu La Wareegay Dawlad Aan Gaadhsiisnayn Haleeya, dalka Intiisa Kaleba Iska Daayoo/Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye 

Hargeysa--Xoghayaha guud ee xisbiga Taladda Haya ee Kulmiye Keyse Xasan Cige ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu intii muddo ahayd safar shaqo ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada reer Yurub. Keyse Xasan Cige oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, ayaa waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mid ah golaha wakiiladda iyo dadweyne Kale. Xoghaye Keyse Xasan Oo ka dib soo guryo noqoshadiisa u waramayay shabakada calaamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in safarkiisu uu isugu jiray mid u gaar ah iyo waliba mid hawleed. Waxa uu xogyaha guud carabka ku dhuftay in mudadii uu ku maqnaa dalka Sweden 
 
uu kulamo kala gooni-gooni ah la yeeshay madaxda xisbiga Kulmiye iyo waliba jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas ku sugan. Xoghayuhu waxa uu cadeeyay in shacabka reer Somaliland ee qurbaha ku sugani ay sida fiinta u qayliyeen shir beeleedyadda gudaha dalka ka socda, waxaanu yidhi Socdaalkayga marka hore waxa uu isugu jiray mid ii gaar ah iyo mid hawleed, hadii aan ka hawleed kuu sheego, waxa aan la kulmay jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku sugan dalkaas, waxa kale oo aan ka qayb galay doodo badan oo ay madaxda asxaabta kale ee Somaliland ay ku jireen, Doodahaas oo sida runta ah lagaga hadlayay arrimaha maanta ka jira Somaliland iyo waliba halka ay wax marayaan Haddii aan nuxurka ku sheegana runtii socdaalkaygaasii waxa uu ahaa mid ah  si weyn ii soo jiitay, dareeno badana way qabaan dadka reer Somaliland ee qurbuhu waxaanay qabaan hadii ay shirbeeladyadu furmaan isla markaana la yidhi xisbiyadii waa la furanayaa waxa ay noqon karaan kuwo is biirsanaya oo wax yeelayn kara geedi socodka nabadda.

Waxaanay runtii leeyihiin dadka qurbaha ku sugani shir beeleedyada wax bay duminayaan, laakiin waxba ma dhisayaan, waxaanay qabaan in arrinta shirbeeleedyada ay ka wanaagsanaan lahayd in loo daba fadhiisto. Mida kale waxa ay dareen ka qabaan arrimahan lagu qabqabanayo dadka musuqa ku socda, kuwaas oo ay leeyihiin waa in xukuumadda loo daaya, waxa kale oo ay leeyihiiin mar hadii ay dadkii xukuumadii hore ee lagu eedaynayay musuqu ay dibada iska joogaan, waxa ay leeyihiin waa in la simaa oo iyada oo aan loo egayn kan ayaa madax ah sharciga lala wada tiigsadaa ayuu yidhi. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qurbo jooga reer Somaliland ay u soo hiloobeen in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, waxase buu yidhi ay ka cabsi qabaan in nabadu ay khakhal geliso shirbeeleedyadan tirada badani Iminka qurbo joogii reer Somaliland waxa ay u soo hanqal taagayaan sidii ay dalka ugu soo laaban lahaayeen, waxaanay markan ku dedaalayaan sidii ay dalkooda hooyo wax uga qabsan lahaayeen, laakiin sida runta ah wadnaha ayay farta ku hayaan, waxaanay ka baqo qabaan in shirbeeleedyadan ka socda dalku ay wax u dhimaan nabadda ayuu yidhi.

 Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi Guddida xisbiga ee dalka swedena waan la kulmay waxaanan ka wada hadalnay sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen xisbiga iyo waliba xukuumada, waxaanay balan qaadeen in ay si gaar ah ula shaqayn doonaan Mar uu ka hadlayey bal halka uu ku dambeeyay shirweynihii golaha dhexe iyo goorta la qaban doono waxa uu yidhi Waxa uu afar sano u noqday shirweynaha golaha dhexe, waa tii sanadkii 2008-dii la kala gooyay, taasina waxa ay ahayd in aanay isku soo beegmin mudada shanta sano ah  ee dawladda, waxaana taas dabada ka riixayay qalalaasihii siyaasadeed, waxaana la isku af gartay shir ay isugu yimaadeen oo la yidhi tani dan ma inoo tahay, dhawaaqan uu guddoomiyah golaha dhexena muu ahayn mid isaga awood u siinaya, waxaana awooda iska leh xoghayaha guud ee xisbiga, xitaa dhawaaqa uu ku sheegay in shirweynihii golaha dhexe uu qabsoomi doono waxa aan la ogeyn guddoomiye ku xigeenkiisa golaha dhexe iyo wailba xogyaha, taasina hadda waa mid laga heshiiyay, haddii alle yidhaahdona shirweynihii golaha dhexe wuu qabsoomi doonaa.

Mar uu ka hadlaayey safarkii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaga qayb galay xafladdii wanqalka ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu yidhi Horta innagu siyaasad ahaan shir kasta oo aynu is leenahay wax buu ku soo kordhinayaa waxa haboon in aynu ka qayb galno, Koonfurta suudaana wax badan ayeynu wadaagnaa, marka  dhinac laga eegana waynu ka duwanahay oo iyagu waa dal laba qaybood u kala go'ay,  innagu laakiin waxa aynu nahay laba dal oo markii ugu horeeyey wax isku darsaday, markii ay is af garan waayeena kala noqday, markaa aduunyada waxa aynu u sheegaynaa in ka dib wax badan oo aynu ka tirsanayno dalka Somalia aynu kala soo noqonay dawladdeenii markaa waa in la innagu ixtiraamaa rabitaankeena oo la ina aqoonsadaa. Waxa kale oo meesha ku jirta in dalkaas cusub ee koonfurta suudaan aynu aqoonsi ka raadsano  oo ay yidhaahdaan waar dalkan tii innaga in haysatey oo kale ayaa haysatee aynu la shaqayno.

Gabogabadiina waxa uu xusay in xukuumadda cusub ee xisbiga Kulmiye ay la daala dhacayso sidii ay dalka wax badan uga qaban lahayd isla markaana ay talada dalka la wareegtay iyada oo ay jiraan qabyo tiro badani, waxaanu yidhi ?Markii aan dalka Sweden Tagay wax badan ayaa la iga waydiiyey halka ay xukuumaddu wax marinayso, waxaanan ku idhi xisbiga kulmiye waxa uu taladda la wareegay iyada oo ay meel waliba burbursan tahay, oo xukuumadda wax qabadkeedu aanu gaadhsiisnay Haleeya (Tuulo Wax ya ka xigta dhinaca bari Magaaladda Hargeysa) iska daa goboladda iyo degmooyinka kale ee dalka oo, markaa waxa aan leeyahay anagu neef caato ah ayaanu la wareegnay, neefkaasina way dhib badan tahay inta aad dib u soo naaxinayso, laakiin mudadii koobanyd ee ay xukuumaddu jirtay wax badan ayay qabatay? ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Md. Keyse Xasan Cige oo waraysi khaas ah siiyay shabakada caalamiga ah ee

Hadhwanaagnews

1 comment:

Anonymous said...

ala swt,waxaan uga baryayaa in uu janatal fardoos ka waraabiyo,ehlkiisa,qaraabadiisa,iyo bulsha waynta reer somalilandna samir iyo imaan ka siiyo....amiiin