18 July, 2011

Yaa Kaa Jara Fartii Aad Kulmiye Ugu Codaysay.......

Waxaan Isku Qoomamaynayaa Oo Aan Maanta Is Leeyahay Yaa Kaa Jara Fartii Aad Kulmiye Ugu Codaysay
 Sahra Cismaan   

Hargeysa,-Sahra Cismaan oo ka mid ahayd dadweynihii Xooga lagaga saaray Guryihii Shacabka Caasimada Hargeysa ayaa sheegtay in ay aad iyo aad u qoomamaynayso codkii ay siisay Xisbiga Kulmiye, isla markaana tilmaantay in aanay faa'ido ka haynin ummaddu.

Sahra ayaa sidaasi ku sheegtay mar ay shalay nagu soo booqatay Xarunta Wargeyska Haatuf, waxanay tidhi "Waxaan isku qoomamaynayaa oo aan maanta is leeyahay yaa kaa jara Fartii aad Kulmiye ugu codaysay, sababta oo ah hadii aan isleeyahay dhibta intan leeg ayaa adiga iyo ubadkaagaba ku dhici doonta Daahir Rayaale maan naceen, sababta oo ah xukuumadii Rayaale ayaa ka naxariis iyo damqasho badnayd".

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed Xaaji Cumar C/laahi Xamarje ayaa u muuqda kuwo xukuumadda iyo Shacabka ka dhex abuuraya iska horimaad iyo xaalad abuur kadib markii maalintii doraad ay cagta mariyeen agoontii iyo mujaahidiintii naafada ahayd ee SNM, kuna dalbaday ciidamada SPU-da ee ay UNDP-du dhaqaalaha ka taakulayso iyo kuwa dawladda hoose oo iskaashanayaa ay weerar iyo rasaas kula waabariisteen, iyagoo ku sugan guryahoodii.

Dadkaasi laga raray xaafada Shacabka oo lagu daadiyey duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa ee Maqaamka Sheekh Cumar ayaa ilaa hadda ku sugan xaalad Argagax leh, iyagoo ay ku habsatay hoyla'aan kadib markii ay ciidamadu ka jajabiyeen agabkii ay guryuhu uga dhisnaayeen, isla markaana ku sugan xaalad Biyo la'aan ah.

Masuuliyiintan ayaa u muuqda kuwo kala fogeeyo taageerayaal iskugu jira dhalinyaro, mujaahidiin, aqoonyahan iyo dumar aad u aamin-sanaa siyaasada xisbiga Kulmiye ee taladda dalka haya, kuwaas oo wakhtigan xaadirka ah u muuqda in taageeradii ay u hayeen ay sii gudhayso.

No comments: